Shil khasaaro sababay oo Muqdisho ka dhacay

Shilalka noocaan ah ayaa loo sababeeyaa waddooyinka qaar oo bur-bursan iyo xirfadda wadayaasha oo liidato. 

Warar Keydmedia Online
Shil khasaaro sababay oo Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhaawacmay shil baabuur oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii gaadiid nooca xamuulka ah uu jiiray Mooto Bajaaj waday dad rakaab ah, oo mareysay meel aan ka fogeyn xarunta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ilaalada waddooyinka ayaa gacanta ku dhigay wadihii gaariga xamuulka, iyadoo dadkii dhaawacyada qabay Isbitaal loo qaaday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.