Shir Addis Ababa uga socdo Sirdoonka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea

Shirkaan ayaa daba socdo booqasho uu dhawaan Madaxweyne Farmaajo ku tegay magaalada Asmara. 

Warar Keydmedia Online
Shir Addis Ababa uga socdo Sirdoonka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Sirdoonada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa Shir uga socda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Shirkan ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay booqashada todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ku tagay Asmara oo siyaasiyiinta mucaaradka shaki weyn ka muujiyeen iyo booqasho kedis ah oo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ku tagay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyay in shirka u socda Madaxda Sirdoonka saddexda dal in looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya, maadaama Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo xulufo siyaasadeed.

Keydmedia Online ayaa dhowr jeer oo hore baahisay in magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Ciidamo si qarsoodi ah loogu soo tababaray dalka Eretrea, kuwaas oo Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin doonayaan in ay doorashada soo socto gaashaan ka dhigtaan.

Wixii ku soo kordho kala soco Keydmedia Online

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.