Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirkan ayaa markii hore la filayay inuu furmo Khamiistiis lasoo dhaafay, July 9 balse dib u dhacay kadib markii Madaxda ay tagi waayeen magaaladda Dhuusamareeb waqtigii looga baahnaa.

Warar Keydmedia Online
Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka furmay Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goordhaw ka furmay magaaladda Dhuusamareeb shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada, kaasoo ay isagu yimaadeen hogaanka shanta Maamul ee ka jirta Soomaaliya, Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Waa maalintii kowaad ee Shirka, waxaana ajanduhu yahay hadal-jeedinta Madaxweyniyaasha Maamullada, oo khudbadahooda hadda toos u socdaan, iyadoo maalinta berri ah la filayo in kulanka laga soo saaro War-murtiyeed wadajir ah, oo hogaamiyeyaasha shiraya ku shaacin doonaan qodobada ay ku heshiiyeen.

Shirka Wada-tashiga Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmaya xili Maamullada iyo Dowladda Federaalka uu u dhaxeeyo Khilaaf siyaasadeed ku salaysan arrimaha doorashadda iyo qeybsiga Khayraadka dalka, sida Shidaalka oo sharcigiisa dhawaan uu saxiixay Farmaajo, iyadoo aan Maamullada laga talo-gelin diyaarintiisa.

Maamulka Farmaajo ayaa ku guuldareystay inuu wada-shaqeyn la yeesho Maamul Goboleedyada, waxayna midaasi sababtay kala qeybsanaan siyaasadeed iyo inay dib u dhacdo doorashooyinkii la qorsheeyay inay November 2020 ka dhacaan wadanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.