Sidee Gaarigii lagu qarxiyay Elite hotel uga soo gudbay Koontaroollada?

Taliyeyaal Ciidanka Booliska katirsana ayaa xabiga la dhigay, iyadoo looga shakisan yahay inay hoos kala shaqeeyaan Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Sidee Gaarigii lagu qarxiyay Elite hotel uga soo gudbay Koontaroollada?

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab ay xeelad cusub u isticmaashay weerarkii dhimashadda badan sababay ee ay ku qaadey Axadii Elite hotel oo dhawaan laga furay Xeebta December ee 2019.

Xog gaar ah oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaysa in Gaariga dableyda albaabka ku furteen uu kasoo gudbay illaa 4 Koontarool [Checkpoint], iyadoo lasoo marsiiyay degmada Kaaraan iyo kuwa kale.

Waxaa Gaariga daba socotay Bajaaj ay saran yihiin rag hubeysan oo dharka Ciidanka xirnaa, iyadoo sidoo kale siday bambooyinka, waxayna kasoo galeen dhanka wadada Mariinada.

Waxaa durba dhashay shaki la xiriira in Saraakiil dowladda katirsan ay ku lug lahaayeen weerarka, iyagoo Al-Shabaab gacan ka siiyay sidii Gaariga iyo dableyda hubeysan looga soo gudbin lahaa Koontaroollada booliska.

Waxaa la xiray taliyaha booliska degmada Cabdicasiis oo lagu magacaabo Axmed Calooley iyo askartii ku sugnayd baraha Koontarool ee shaqada ku jiray Axadii kadib markii baabuurka qaraxa kasoo gudbay.

Sidoo kale, wuxuu baaritaan ku socdaa Saraakiil kale oo hay’adaha amniga uga shakiyeen inay wax ka ogaayeen weerarka, iyagoo u sahlay Gaariga inuu yimaado bartilmaameedkiisa.

Su’aallaha la is waydiinayo ayaa waxaa kamid ah ah sidee Booliska gaariga qarax ku xiran yahay ku qaban waayeen, ugana soo gudbay barahooda-Koontarool, ee gaadiidka oo dhan habeen iyo maalin lagu baaro.

Meel wadada dhinaceeda ayay isku qariyeen dableyda, iyagoo markii qaraxa dhacay oo xaaladda jahwareerka gashay ay gudaha u galeen hotel-ka oo xiligaas aad u camirnaa, ayna joogeen Xildhibaanno.

Keydmedia Online ayaa baaritaan ku sameysay sida uu u dhacay weerarka Elite hotel, oo wadashaqeyn la'aan gudaha DF aysan Al-Shabaab fulin lahayn, maadaama goota amnigeeda uu adagyahay.

Labo Mas’uul oo ka tirsanaa Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga, ee dowladda Soomaaliya ayaa kamida 16 qof oo ku dhimatay weerarka, iyadoo sidoo kale ku dhawaacmeen dad aad u badan, oo qaar xaaladoodu liidato.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.