KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mudo dhowr maalmood ah waxay la-taliyeyaasha Farmaajo iyo kuwa xafiiskiisa ka shaqeeya ay wadeen halgan ku aadan ansixinta Xukuumadda, iyadoo loo sameeyay Xildhibaanada balan-qaadyo kala duwan.
MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda saddex-biloodka ah ayaa maanta ka gudubtay si sahlan Baarlamanka kadib markii ay heshay Kalsoonida Xildhibaanadda Gollaha Shacabka, oo ku ansixiyay kulan ka dhacay Maanta Muqdisho.
Wasiiradda ayaa u badan Xildhibaanno, kuwaasoo codadkooa qeyb wayn ka qaatay ansixinta, iyadoo Ra'iisul Wasaare Rooble uga mahadaceliyay Baarlamaanka kalsooni siinta Xukuumaddiisa, taasoo laga sugayay in 3 bilood gudahooda doorasho ku qabato.
"Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa xubnaha Golaha Shacabka oo si aan loo kala harin u ansixiyay Golaha wasiirrada ee aan soo magacaabay iyo barnaamijka xukuumadda ee aan la wadaagay. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay nagu garab galaan howlaha hortabinta leh," ayuu yiri Rooble.
Kulanka waxaa kasoo qeybgalay 188 Xildhibaan, oo qaarkood horey u imaan jiray fadhiyadda caadiga ah, waxaana afhayeenka Gollaha Shacabka Maxamed Mursal sheegay in dhamaan Xildhibaanada ay cod gacan taag ah ku meel-mariyeen Xukuumadda.
Wasiiradda ayaa isla goobta lagu dhaariyay, waxuuna hadda dalka yeelashay Xukuumaddii ugu mudo-xileedka yarayd, iyadoo xafiiska joogi doonto 90 maalmood wax ka yar.
Waxay timid Xukuumaddan lixdii bilood ee ugu dambeysay mudo-xileedka Farmaajo, iyadoo Xilka qaadistii Khayre 25-kii July 2020 loo arkay inuu ahaa qorsho lagu doonayay in lagu abuuro jahwareer siyaasadeed kadibna dib loo dhigo doorashooyinka.
Rooble ayaa ahaa shaqsi siyaasadda ku cusub, oo aan lahayn taariikh dhanka hogaaminta, balse aqoon yahan ah. Magacaabistiisa ayaa loo galay halgan dheer, maadaama Fahad Yaasiin uu raadinayay shaqsi Farmaajo u noqdo madaxa ololahiisa doorashadda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.