Sirdoon si qarsoodi ah loogu soo tababaray Eritrea oo dalka la keenay

Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya oo horey usoo noqday Wariye katirsan Al Jazeera ayaa ah shaqsiga kursiga gadaashiisa ka maamula dalka, isagoo lagu eedeeyo inuu u adeeggo danaha dowladda Qatar.

Warar Keydmedia Online
Sirdoon si qarsoodi ah loogu soo tababaray Eritrea oo dalka la keenay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Garoonka Muqdisho Shalay, Talaado September 8 kasoo degtay diyaarad gaar ah oo siday 400 oo askari, oo si qarsoodi ah tababar ugu soo qaatey gudaha dalka Eritrea.

Keydmedia Online ayaa heshay Macluumaad Sirdoon oo sheegaya in askarta la keenay ay yihiin dhalinyaro da’dooda u dhaxaysa 20-30, kuwaasoo taliska Nabad Sugida [NISA] u diray Eritrea 6 bilood kahor si ay usoo qaataan tababar la xiriira dhinaca Ciidanka iyo Sirdoonka.

Waa qeybtii 3aad oo Askar loo soo tababaray Sirdoonka Soomaaliya oo Muqdisho lagu celinayo sanadkan, waxaana illo xog-ogaal ah oo KON la hadlay ay sheegeen inay jiraan dhalinyaro wali ku xareysan xeryo tababar oo Eritrea ku yaalla, kuwaasoo billooyinka soo socda dalka lagu soo celinayo.

Qeybtii hore waxay gaareysa 600 oo askari, kuwaasoo iyaga iyo kuwa cusub lagu wada xareeyay xero ay gacanta ku heyso hay’adda NISA oo Muqdisho ku taalla, iyagoo sugaya in loo dhameystiro agabkooda, lana howgeliyo.

Keydmedia Online ayaa daabacday 29-kii July 2020 xog ku saabsanayd in Ciidamo laga keenay dalka Eritrea ay Muqdisho kusoo jeedaan. [Halkan ka akhri Diiradda Sirdoonka]

Shaki iyo walaac badan ayaa laga muujiyay ujeedka Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ka leeyihiin in si qarsoodi ah Ciidamada tababar ugu qaadaan Eritrea, oo kamid ah dalalka qeybta ku lahaa colaadda Soomaaliya.

Ciidanka Eritrea laga keenaya waxay kusoo aadaysaa xili dalka uu galayo marxalad kala guur ah, oo doorashadii la filayay November 2020 u muuqata inay baaqanayso, sidoo kalena Farmaajo uu isku dhejinayo kursiga, isagoo doonaya mudo-kordhin.

Waalidiinta dhalay dhalinyaradda sida qarsoodiga ah NISA u askareynayso, ayaa markii ay waayeen xiriirkooda iyo xaaladooda lagu wargeliyay in loo qaaday dalka Eritrea, oo tababar lagu soo siinayo.

Waxaa jira dhalinyaro kale oo loo qaadey Qatar, oo Sirdoonka loo soo tababarayo. Fahad Yaasiin ayaa xiriir dhaw la yeeshay Eritrea xiligii Maxkamadaha Islaamiga 2006-2007, oo Asmara laga taageeri jiray.

Taliyaha Nabad Sugida oo horey usoo noqday Wariye katirsan Al Jazeera ayaa ah shaqsiga kursiga gadaashiisa ka maamula dalka, isagoo lagu eedeeyo inuu u adeeggo danaha Qatar.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.