Somaliland oo arin Ugub ah ka billowday Laascaanood

Tallaabadan ayaa dadka degaanka ku micneeyeen midka Muuse Biixi ku qarinayo fashilka Maamulkiisa uu ku fashilmay amniga magaaladda.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo arin Ugub ah ka billowday Laascaanood

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Magaaladda Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool waxaa ka socda arin ugub ah, oo uu wado maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Booliska Somaliland ayaa xalay ka billaabay magaaladda qab-qabashadda dadka kasoo jeeda degaanada Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo lagu aruuriyay xabsiga, si xuna loola dhaqmay.

Odayaasha degaanka iyo shacabka waxay sheegeen in tallaabadan uu qaadey maamulka Muuse Biixi ay tahay mid aan horey loo arag, islamarkaana lagu cunsuriyeynayo reer Koonfurta.

Kadib markii fashil amni soo wajahay Somaliland, ayay Laascaanood ka billowday raafka reer Koonfureedka, oo ay ku eedeynayso inay ka dambeeyeen falalka amni darada ah.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Somaliland, oo ku aadan sababta ka dambeysa raafka reer Koonfurta ee ka socda Caasimadda gobolka Sool.

Somaliland waxay magaaladda kala wareegtay Puntland 2007, wixii intaas ka dambeeyay dadka degaanka qori caaradiisa ayay ku xukumeysay, maadaama aysan rabin gooni u goosadka.

Lama oga in dadka xasbiga lagu gurey ay Somaliland kasoo saari doonto magaaladda, waxaana hadii ay dhacdo midan dhaawac ku noqonaysaa maamulka Hargeysa, maadaama dadkiisa Muqdisho aad ugu soo bateen afartii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo shaqo doon ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.