Somaliland oo ka hortimid dhismaha Ciidanka dalalka Badda Cas

Isagoo Ciidan cusub tababar ugu soo xirayay Dugsiga tababarka Lixle, ayuu Muuse Biixi Cabdi ku sheegay in Somaliland ay kasoo horjeedo Ciidanka la qorsheynayo in loo sameeyo dalalka ku yaalla Badda Cas.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo ka hortimid dhismaha Ciidanka dalalka Badda Cas

HARGEISA, Soomaaliya - Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo Ciidamo la rabo in loo dhiso dalalka dhaca Badda Cas, ee Geeska Africa si wax looga qabto dhibaatooyinka argagaxisadda iyo burcad-badeednimada ka jirta.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka sheegay khudbad uu Talaadadii ka jeediyey saldhiga Lixle, oo uga qeybgalay xiritaanka tababar loo dhameeyey qaar kamid ah Ciidamada Booliska iyo militariga Somaliland.

Wuxuu sheegay in Somaliland aysan qeyb ka ahayn dalalka loo dhisayo Ciidamada, sidaasi darteedna aysan aqbali doonin, isagoo carabka ku dhuftay in Maamulkiisa uu iska difaaci doono cid kasta oo kusoo xad-gudubta xeebtiisa.

Bishii January ee sanadkan 2020, Saudi Arabia, Sudan, Djibouti, Somalia, Eritrea, Egypt, Yemen iyo Jordan ayaa Jeddah ku saxiixday heshiis la sameyanyo Ciidan isku dhaf ah oo dalalkaan ka kooban, kuwaasii ilaalin doona nabad-gelyada biyaha Gacanka Cadmeed illaa Badda Cas.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.