Somaliland oo joojisay inay dumarka ciyaaraan Kubadda Cagta

Tartanka Kubadda Cagta ee Haweenka Somaliland, oo ay ka muuqdaan lix koox oo dumar ah, ayaa la filayey inuu ka bilaabmo Khamiistii lasoo dhaafay Caasimadda Hargeysa.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo joojisay inay dumarka ciyaaraan Kubadda Cagta

HARGEYSA, Soomaaliya - Somaliland ayaa khamiistii joojisay tartankii ​​ugu horreeyay ee haweenka ee kubbadda cagta, maadaama uu meel uga dhacayo qiyamka diinta Islaamka, taasoo dhalisay caro ka timid kooxaha u dooda xuquuqda haweenka.

Tartanka Kubadda Cagta ee Haweenka, oo ay ka muuqdaan lix koox oo dumar ah, ayaa la filayey inuu ka bilaabmo Khamiistii lasoo dhaafay magaaladda Caasimadda u ah Somaliland ee Hargeysa.

C/rashiid Ceydiid, agaasimaha Wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Somaliland, wuxuu sheegay in mas'uuliyiintu ay doorteen go'aanka lagu joojiyay horyaalla oo toddobada maalmood la ciyaari lahaa, maadaama ay tahay mid ka soo horjeedda diinta Islaamka.

"Carada shacabka ka dib, oo ay ku jiraan Culimada, waxaan go'aansanay inaan joojino. Qof kastaa wuxuu arkay haweenkeenii oo ciyaaraya iyagoo qaawan Kubadda oo TV-yda laga daawadey tababarkoodii, waana wax aan ku wanaagsanayn Diinta iyo dhaqanka Islaamka," ayuu yiri C/rashiid.

Amuun Aadan, oo ah gabadha abaabushay tartanka, ayaa sheegtay in markii hore Saraakiisha Somaliland fasaxeen in la qabto horyaalla Kubadda Cagta ee haweenka, laakiin hadda is bedelay go'aankooda.

“Go’aanka noocan ah waa mid naloogu diiday xuquuqdeena. Ma aanan sameynin wax dembi leh. Wixii aan ku sameynay tababarka ma ahan wax cusub. Haweenka si buuxda ayaa loo daboolay, ”Amuun ayaa sidaasi tiri.

Amuun waa aasaasaha Ubax Inspire iyo Fitness Center oo ku taalla Hargeysa. Waa xarun caafimaad iyo madadaalo oo ujeedadeedu tahay in lagu xoojiyo haweenka iyo gabdhaha iyadoo dhanka jirdhiska iyo ciyaaraha laga caawinayo.

"Tartanada kubada cagta ee haweenka ayaa ka dhaca dalal kale oo Muslim ah. Waxaan ku dhiirrigelinayaa dowladda inay dib uga fiirsato go'aankeeda, si haweenku ay u ciyaaraan isboorti ayna ugu raaxaystaan ​​xuquuqdooda si xor ah," ayay hadalkeeda raacisay.

Somaliland oo ay ku nool yihiin 4 milyan  oo qof, ayaa sheegtay inaysan dib u fixi doonin ciyaaraha Kubadda ee haweenka, islamarkaana ay ilaalinayso dhaqanka suuban ee Islaamka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.