Somaliland oo Magaalo kala wareegtay Puntland

Janeraal Muuse Jaamac Delef oo Somaliland ugu magacaaban taliyaha qeybta Gobalka Sanaag ayaa hogaaminayay duulaanka lagu qabsaday magaalada Dhahar.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo Magaalo kala wareegtay Puntland

QARDHO, Soomaaliya - Ciidanka maamulka Somaliland ayaa la wareegay gacan ku haynta magaaladda Dhahar, kadib markii ay ka sareen Ciidankii Puntland, oo halkaasi mudo sanado ah ku sugnaa, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Janeraal Muuse Jaamac Delef oo Somaliland ugu magacaaban taliyaha Ciidamada qeybta Gobalka Sanaag ayaa hogaaminayay duulaanka lagu qabsaday Dhahar, oo 50-KM u jirta Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Dhahar waa degaanka doorashadda Wasiirka Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan kaasoo dhawaan magaaladda ka furtay xafiis uu ku doonayo inuu ka abaabulo ololihiisa dib u doorashadda Xildhibaanimo doorashadda soo socota.

Puntland iyo Somaliland ayaa isku haya maamulka gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana sanadkii tagey labada dhinca dagaallo ku dhexmaray Tukaraq, oo duleedka Laascaanood ku taalla, halkaasi oo Ciidanka Somaliland la wareegeen 2018.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.