Somaliland oo u jawaabtay DF

Somaliland ayaa ku tilmaamtay xiriirka ay la yeelatay Tawain mid iskaashi ah, sida dhinacyada ganacsiga, nabadda, dimuqaraadiyada isla markaana aysan ka hor imaan karin Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo u jawaabtay DF

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabey qoraal kasoo baxay shalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo lagu mucaaraday xiriirka ay la yeelatay Taiwan, oo Axadii Xafiis ka furatay magaaladda Hargeysa.

War Saxaafadeed ay soo saartey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan kahor istaagi karin cida ay xiriir la yeelanayso, iyadoo xustay in Maamulka Hargeysa horey cilaaqaad ula sameystay dalal Africa, Asia iyo Yurub ku yaalla.

Somaliland ayaa uga digtay Dowladda Soomaaliya wararka sida ay sheegtay lagu maran-habaabinayo beesha caalamka, kuwaasoo dhaawacaya wadahadallada dib u billowday ee labada dhinac, oo dhawaan Jabuuti ku kulmay, iyadoo Abiy Axmed dhex-dhexaadinayay.

Xafiiska Taiwan ka furatay Hargeysa ayaa lagu sheegay inuu xoojinayo Xiriirka wadashaqeyn iyo midka iskaashi ee labdad dhinac, waxaana Somaliland xustay inay sii wadi doonto raadinta aqoonsiga caalamka, oo mudo 30 sano halgankeeda kusoo jirtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.