Somaliland oo xabsiga kasii daysay agaasime TV

Bishii lasoo dhaafay ayay Maxkamadda Maroodi Jeex ku riday Cabdimanaan xukun 5 oo Xabsi ah iyo ganaax 2 billion oo Somaliland Shilling ah.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo xabsiga kasii daysay agaasime TV

HARGEYSA, Soomaaliya - Somaliland ayaa maanta Xabsiga kasoo daysay Abdimanaan Yuusuf oo ah agaasimaha Astaan TV, oo xaruntiisa dhexe ku taallo Muqdisho.

Bishii lasoo dhaafaya ayay Maxkamadda Maroodi jeex ku riday Cabdimanaan xukunka, kadib markii 6 bilood xukun la'aan lagu hayay xabsiga.

Somaliland waxay u cuskatay  xukun inuu Agaasimaha Astaan xiriir la leeyahay Al-Shabaab, iyadoo aan lasoo bandhigin caddeymo.

TV Astaan ayaa lagu mamnuucay Somaliland, iyadoo fursad la siiyay qof kale oo reer Somaliland sh.

Astaan TV oo bixiyay cable Kiro ah ayaa saamiga ugu badan waxaa iska leh Fahad Yaasiin, taliyaha NISA.

Wiil uu dhalay Muuse Biixi ayaa Cable lamid ah Astaan ka furtay HARGEYSA, isagoo u arkay midkan Koonfurta laga leeyahay inuu suuqa ku ciriiriyay.

Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu cafiska lagu sii daayay u fidiyay Agaasimaha Astaan TV, oo markii horeba ujeedku ahaa in laga saaro Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.