Sumcadda Farmaajo oo sii xumaaneysa

Dib u dhigida magacaabista Ra'iisul Wasaaraha ayaa xaalad adag kusoo furtay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay sii dhimayso sumcadiisa hogaanka kadib markii uu geliyay dalka marnaasho dhinac awoodda Xukuumadda.

Warar Keydmedia Online
Sumcadda Farmaajo oo sii xumaaneysa

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo oo mudo-xileedkiisa uga dhiman tahay muddo 4 bilood ah, ayaa waji-gabax iyo sumcad xumo kala kulmay daahinta magacaabista Ra'iisul Wasaaraha oo laga sugayay tan iyo 25-kii bishii July markii uu xilka ka qaadey Khayre.

Ku dhawaad labo bilood ma lahan dalka wax Xukuumad ah, ma jiro Ra'iisul Wasaaraha ka shaqeeya xaaladda kala-guurka sidii wadanka looga gudbin lahaa, oo doorashadda loogu qaban lahaa waqtigeeda, oo aan wax badan ka dhimanayn.

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho ayaa ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo inuu si deg-deg ah kusoo magacaabo Ra'iisul Wasaare, maadaama dalka xaaladiisa faraha kasii baxayso, sidoo kalena siyaasadda uu ku dhaqmayo aan lahayn jid iyo jiho toona.

Xog Keydmedia Online ka heshay Villa Soomaaliya ayaa sheegaysa in Farmaajo uu todobaadkan ku dhawaaqi doono Ra'iisul Wasaaraha cusub, oo markii hore uu la sugayay heshiiska Axmed Madoobe iyo Deni, kuwaasoo shuruudo culus ku xiray wadhadaladda Madaxweynaha.

Canaan uga timid Beesha Caalamka iyo Cadaadis gudaha ah ayaa ku qasbay Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay Caasimadda tagaan, si loo dhameytiro heshiiskii Dhuusamareeb ee arrimaha doorashooyinka 2020-2021.

Laakiin waxaa muuqata in aan waxba iska-bedelin mowqifkii horey ay Madaxda labadan Maamul uga taagnaayeen xaaladda dalka, iyagoo laf-dhuun-gashy ku noqday Farmaajo kadib markii ay hordhigeen arrimo culus, oo ay kamid tahay in Gedo lagu celiyo gacanta Axmed Maadoobe, taasoo fulinteeda waqti badan qaadanaysa.

Soomaaliya waxay gashay gacanta Madaxweyne aan dalka iyo dadkuba u diirnaxayn, oo taladiisa gurracan tahay islamarkaana isku dayaya inuu dib usoo nooleeyo dhaqankii 21-ka sano ee kali-taliska, kaasoo horseeday xaaladda maanta lagu jiro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.