KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Weerarka oo qarax iyo mid toos ah isagu jiray ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho oo gaaraya 16 qof, oo 5 dabley ah kamid yihiin.
MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska QM ee Soomaaliya [UNSOM], ayaa si kukul u cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey Hotel Elite ee shalay gelinkii dambe billowday, lana soo afjaray xalay 10:00pm.
"Weerarkan bahal-nimada ee lala bartilmaameedaday dadka shacaka iyo shaqaalaha dowladda ee sida nabada ah waqti ugu qaadanayay hotel-ka, wuxuu na tusayaa sida Al-Shabaab ay khatar ugu tahay amniga iyo xasiloonida dalka," ayaa lagu yiri qoraal uu soo saarey wakiilka QM James Swan Maanta.
Swan ayaa xusay in weerarada noocan ah aysan niyad-jebinaynin shacabka Soomaaliyeed ee kasoo kabanaya colaadaha 30ka sano, islamarkaana hadda u jeestay dib u dhiska dalka iyo dowladnimada.
Wuxuu sheegay inay QM garab taagan tahay marwalba Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay warwalba inay kala shaqeyso soo celinta nabada iyo ciribtirka Al-Shabaab, oo khatar ku ah amniga dalka iyo gobolka Geeska Africa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.