Villa Somalia oo war kasoo saartay booqashadda Farmaajo ee Eritrea

Dhowr jeer oo hore ayuu Farmaajo booqasho ku tagey Asmara, waxaana uu ka dhigtay Eritrea saaxiibadda ugu dhaw ee uu ku leeyahay Geeska Africa.

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia oo war kasoo saartay booqashadda Farmaajo ee Eritrea

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalkeennu uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku.

WAR-SAXAAFADEED

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.