Waare oo wali sii wada xilka-qaadis xili HirShabeelle caqabado wajahayso

HirShabeelle ayaa doorasho cusub galaysa dhamaadka sanadkan 2020, iyadoo aysan xalin dhibaatadeeda, waxaana lagu eedeeyaa Waare xil-gudasho la’aan iyo musuq-maasuq.

Warar Keydmedia Online
Waare oo wali sii wada xilka-qaadis xili HirShabeelle caqabado wajahayso

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa salka u dhigi waayay HirShabeelle oo horumar ka sameyn tan iyo aas-aaskeedii 2016 dhinacyada siyaasadda, amniga iyo baahinta maamulkan fadhiidka ku noqday magaaladda Jowhar.

Todobaad gudihiisa wuxuu xilka qaadis ku sameeyay dhowr Mas’uul oo ay kamid yihiin Wasiirro iyo Duqii Beledweyne, oo shaqada uu ka eryay iyadoo wax yar xafiiska joogtay.

Wareegto ku taariikhaysan 1-da August 2020, ayuu Waare ku shaaciyay inuu xilalkii ka qaadey Wasiirkiisii Biyaha iyo Tamarta Saalax Xasan iyo Wasiiru-Dowlaha Beeraha.

Waare oo la doortey Sep, 2017 ayaa mudadii ku dhawaadka 3-da sano ee uu xilka hayay ku guuleysan waayay inuu sugo amniga jidka u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad, oo mas’uuliyiin iyo Xildhibaano Al-Shabaab ku dishay.

Madaxda Maamulka waxay diyaarad ugu safraan Muqdisho iyo Jowhar oo 90-KM isku jira, waxaana xusid mudan in degmooyinka gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe aan la isagu kala gudbi karin, sababo amni la'aan kadib markii Al-Shabaab go'doomisay.

HirShabeelle ayaa doorasho cusub galaysa dhamaadka sanadkan 2020, iyadoo aysan xalin dhibaatooyinkeeda, waxaana lagu eedeeyaa Waare xil-gudasho la’aan iyo musuq-maasuq.

Marka loo bar-bardhigo Maamullada kale, HirShabeelle waa Maamulka ugu liita xilligan, taasoo loo sababaynayo hogaankeeda oo aan wanaagsanayn iyo kala qeybsanaanta beelaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.