Wafdi ka degay Caasimadda Galmudug

Madaxweyne Qoor-Qoor iyo mas'uuliyiin kale ayaa Garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay wafdiga HirShabeelle, oo hogaaminaya Maxamed Cabdi Waare.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta gaarey magaaladda Dhuusamareeb, isagoo soo dhaweyn diiran ka helay dhigiisa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor].

Wafdiga Waare ayaa qeyb ka ah wufuuda la filayo inay Dhuusamareeb tagaan, kuwaasoo ka qeybgalaya Shirka Berri lagu wado inuu Madaxtooyadda ka furmo. Kulanka ayaa yimid markii uu fashilmay 5tii bishan Shirkii uu Farmaajo doonayay inuu Muqdisho ku qabto.

Ciidanka Haram'cad ayaa maanta laga soo saarey magaaladda, kadib markii madaxda Jubaland iyo Puntland walaac ka muujiyeen dhexdhexaadnimadooda iyo in aan la isku halleyn karin, oo dhinac dowladd laga baqay inay ku carqaladeyso Shirka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.