Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaarey Galmudug

Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan ayaa hogaaminaya Wafdi tagey Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaarey Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wafdi ka socda saaxiibadda beesha Caalamka ee Soomaaliya, ayaa Maanta oo Talaado ah gaarey magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug.

Waxaa hogaamiyana James Swan, oo ah wakiilka QM ee Soomaaliya, iyadoo xubnaha wafdi ay kamid yihiin ergayga Midowga Yurub iyo Madaxa AMISOM, ahna wakiilka Midowga Africa ee Muqdisho.

Waxay madaxtooyadda kula kulmeen Madaxweyne Qoor Qoor, oo ay kawada hadleen arrimaha doorashooyinka soo socda iyo wadashaqeynta Galmudug ay la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wakiilada ayaa ku amaaney Qoor Qoor doorka uu ka qaatey wadahadalladii Madaxda DF iyo Maamullada ee ka dhacay Dhuusamareeb, kuwaasoo horseeday heshiiskii doorashadda lagu gaarey Villa Soomaaliya 17-kii bishii lasoo dhaafey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.