Walaaca Xasan Sheekh ka qabo doorashadda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kamid ah mucaaradka Farmaajo, isagoo ku jira Madasha Xisbiyada Qaran hogaankeeda sare, waxaana la sheegay inuu sanadkan musharax yahay.

Warar Keydmedia Online
Walaaca Xasan Sheekh ka qabo doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh ayaa walaac ka muujiyay doorashooyinka soo socda, isagoo sheegay in eeda doorashadda uu lahaan doono Farmaajo, hadii si wanaagsan waqtigeeda ugu qabtana yeelan doono amaanteeda.

Wuxuu xusay in heshiiska cusub uusan aad u caddeyn qodobadiisa qaar, sida maalinta doorashadda billaabanayso iyo marka ay dhamaanayso oo aan qeexnayn, iyadoo dawladda iyo Maamul Goboleedyada sheegeen in bishan ay shaqada billaabi doonaan.

Xasan Sheekh ayaa xusay in waqtiga dawladda uga dhiman lagu qaban karo doorashadda, hadii uu Farmaajo si dhab ah uga shaqeeyo isagoo la kaashanaya saamileyda siyaasadda, oo qaarkooda aan laga talo-gelin heshiiska cusub.

Walaaca ugu wayn ee jira ayaa ah in dib u dhac ku yimaado waqtiga doorashadda, oo la doonayo in Xildhibaanka ugu horeeya la doorto bisha November, ee sanadkan, taasoo aan muuqan inay suurta-gal tahay, maadaama illaa hadda Golle wasiir la magacaabin, sidoo kalena diyaarsanayn gudiyada doorashadda iyo goobihii lagu qaban lahaa.

Kulan kale oo Madaxda DF iyo Maamullada isagu yimaadeen Todobaadkan ayaa lagu gaarey go'aanno hordhac ah, oo ku saabsan hanaanka lagu galayo doorashadda iyo dhismaha gudiyadda muhiimka ah. [Halkan ka akhri warbixin]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.