Wararkii ugu dambeeyay Weerarka Elite hotel

Mas'uul katirsan Wasaaradda Warfaafinta, oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Cabdi ayaa kamid ah dadka ku dhintay weerarka hotel Elite oo ku yaalla xeeta Liido ee magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay Weerarka Elite hotel

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerar wali ka socda gudaha hotel-ka Elite ee magaaladda Muqdisho, kaasoo galabta ay weerar ku qaadeen dabley hubeysan oo katirsan Al-Shabaab.

Dad badan, oo uu ku jiro agaasimihii xiriirka gobollada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, C/risaaq Cabdi ayaa lagu dilay weerarka, waxaana gudaha ku dagaalamaya xiligan Ciidanka amniga iyo kooxda hubeysan, oo ku hubeysan qoryaha fudud iyo bambooyin.

"Ciidamada Amniga ayaa toogtay Laba Kamid ah Dableyda weerarka fuleysay, hadda xaaladdu way dhawdahay oo ragga dagaalamaya waa la xakameeyay in aysan qeybta dabaqa u gudbin, insha Allah waxaan rajeynayaa in goordhaw faahfaahin dhammeystiran aan idinla wadaago," ayuu yiri Ismaaciil Mukhtaar.

Elite hotel oo dhawaan la furay, ayaa waxaa iska leh Xildhibaan C/llaahi Axmed Nuur, oo Gollaha Shacabka katirsan.

Mas'uuliyiin iyo dad kale ayaa gudaha hotel-ka ku jira, iyadoo laga cabsi qabo inay dableyda ugu tagaan qolalka ay ku jiraan, sida uu KON u sheegay qof kamid ah shaqaalaha hotel-ka, oo magaciisa ka gaabsaday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.