Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Garoonka Muqdisho

Mas'uuliyiinta Garoonka ayaa kulan gaar ah la yeeshay Maamuliyaasha Shirkadaha diyaaradaha, ee shaqo joojinta sameeyay Maanta.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Garoonka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa lagu guuleystay in dib loo furo duulimaadkii gudaha dalka, kaasoo saakay hakad galay kadib markii Shirkadaha diyaaradaha ay shaqo joojin sameeyeen.

Shaqo joojinta ayaa timid kadib markii hay'adda NISA ay soo saartey go'aan ay uga mamnuucayso mid kamida shirkadaha inay duulimaad diyaaradeed ku sameyso magaaladda Doolow, ee gobolka Gedo, iyadoo aan sababta la sheegin.

Boqolaal qof oo ku xiyirmay Garoonka ayaa saacadihii dambe ka duulay Muqdisho, waxaana wararku ay sheegayaan in waaxda duuliska Garoonka ay isku dayayso inay NISA ku qanciso go'aankeeda inay dib uga laabato.

Dad badan ayaa is waydiinaya sababta NISA ay uga taliso Garoon diyaaradeed, iyadoo shaqadeedu tahay Sirdoonka, waxaana jira eedeymo loo eediyay Fahad Yaasiin, oo ah inuu yahay shaqsi meel walba oo xarumaha dowladda kamid ah isaga laga amar qaato.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.