Wariye Gurbiye oo markii afaraad la maxkamadeynayo

Wariye Cabdicasiis Gurbiye ayaa horaanta bishii Maarso ku qoray bartiisa Facebook war la xiriiro in Madaxweyne Farmaajo uu qaatay qalabka neefsiinta bukaanada qaba COVID-19 ee yaallay Isbitaalka Martiini.

Warar Keydmedia Online
Wariye Gurbiye oo markii afaraad la maxkamadeynayo

Muqdisho, Soomaaliya – Tifaftiraha guud ee warbaahinta Goobjoog Cabdcasiis Axmed Gurbiye ayaa markii afaraad maanta kasoo hor muuqanaya Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhowr jeer oo hore ku fashilantay go'aan ka gaarista kiiska loo heysto.

Maxkamadda ayaa markii ugu dambeysay sheegtay in xeer ilaalinta ay cadeyn weysay kiiskaa loo heysto wariyaha oo la aaminsanyahay iney dabada ka riixeyso Villa Soomaaliya, waxaana la filayaa in ay maanta go’aanka rasmiga ah ka gaarto.

Wariyaha oo markii hore laga xaddiday in uu akoonnadiisa gaarka ah ee Baraha bulshada ku qoro arriimaha la xiriira siyaasadda inta kiiskiisa dhamaanaya ayaa hadana todobaadkaan gudihiisa laga jabsaday bartiisa Facebook, taasoo ah tallaabo hor leh oo lagu aamusinaya.

Si kastaba, maanta ayaa la filayaa in Maxkamadda go’aan ka gaarto dacwadda wariyaha laga soo gudbiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.