Wariye ku eedeysan kiis dil ah oo Maxkamad lasoo taagay

NISA ayaa suxufiga ku xirtay Muqdisho horaantiisa sanadkan, iyadoo ku eedeysay dil inuu ka qeyb-qaatay, waxayna kiiskisia u gudbisay Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Wariye ku eedeysan kiis dil ah oo Maxkamad lasoo taagay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye Maxamed C/wahaab Abuuja, ayaa Maanta kasoo muuqday Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida, oo dhageysatay kiis dil ah oo hay'adda Nabad Sugida kusoo eedeysay sanadkan horaantiisa.

Fadhiga Maxkamadda ayaa lagu dhageystay dacwadiisa, iyadoo la waayay qof ku marag-furaha wariye Abuuja kiiska dilka ah ee loo xiray, waxaana taasi keentay in Col Shuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda inuu dib u dhigo go'aanka kama dambeyska ah.

Qareennada u doodaysa wariyaha ayaa beeniyey eedaha loo soo jeediyey, waxayna sheegeen in kuwa dacwadda kusoo oogay aysan keenin Maxkamadda horteeda wax caddayn ah oo taageeraysa doodooda , waxayna ku baaqeen in la sii daayo.

Dilka Baxsaneey Cabdulle Booley, oo ka dhacay degmada Boondheere 6-dii bishii Maarso ee 2019 ayay NISA sheegtay inuu Abuuja ku lug lahaa, isagoo xabsi loo dhigay tuhun ah inuu katirsan yahay Kooxda Al-Shabaab.

Ehellada Wariye Abuuja iyo Kooxaha u dooda xuquuqda suxufiyiinta ayaa goobjoog ahaa Maxkamadda, waxayna markii uu dhegysiga soo idlaaday u sheegeen saxaafadda in eedeysanaha uu u xiran yahay xirfaddiisa weriyennimo.

Maamulka Farmaajo ayaa lagu tilmaamay imidkii ugu xumaa ee caburiya Saxaafadda xorta ah, iyadoo intii uu jiray la dilay dhowr suxufi, lana xiray xaruumo warbaahineed oo badan iyo wariyeyaal kadib markii ay tabiyeen warar Villa Soomaaliya dhibsatay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.