Wasiir: Duuliyaha ayaa lahaa shilka diyaaradda

Diyaaradda ayaa soo dhacday kadib markii cilad ay soo wajahday daqiiqado kadib markii ay ka duushay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo kusoo jeeday Beledweyne.

Warar Keydmedia Online
Wasiir: Duuliyaha ayaa lahaa shilka diyaaradda

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in saddex qof oo shaqaale ahaa ay ku dhaawacmeen shilkii diyaaradeed ee maanta oo Sabti ah ka dhacay Garoonka Muqdisho.

Wuxuu xaqiijiyay in duuliyaha diyaaradda ay ka timid ciladda, kadib markii uu lumiyay control-ka, maamulka diyaaradda xakameyn waayay markii cilad ay soo wajahday, isagoo kadib xoog kusoo dejiyay Garoonka, waxayna madaxa la gashay derbi dhinaca badda xiga.

Diyaaradda waxay shixnado raashiin gargaar ah u wadey Qaramada Midoobey, iyadoo la filayay inay Maanta ka degto Garoonka Beledweyne, balse dib ugu laabatay Muqdisho, maadaama cilada soo wajahday ay u saamixi waysay inay duulimaadka soo wadato.

Shirkada Kenyan ah oo Silverstone lagu magacaabo ayaa lahayd diyaaradda, oo la sheegay inay ahayd mid duugowday oo aan u qalmin in lagu sii shaqeeyo, iyadoo laga mamnuucay xitaa gudaha Kenya inay ka howlgasho.

Shilka ayaa sababay in la hakiyo duulimaadkii tagi lahaa Maanta Muqdisho, oo kuwa caalmiga iyo gudah isagu jira maadaama ay diyaaradda ku burburtay dhabaha ugu wayn ay diyaaradaha ku degtaan. [Halkan ka akhri warka]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.