Wasiir laga helay COVID-19 oo iskaran-tiilay

Wasiirka ayaa cudurka looga baarey sheybaar ku yaalla magaaladda Laas-Caanood, ee xarunta gobolka Sool isagoo halkaasi ku joogay safar shaqo, sida uu ku sheegay Shir jaraa'id uu uu qabtay.

Warar Keydmedia Online
Wasiir laga helay COVID-19 oo iskaran-tiilay

HARGEYSA, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay inuu ku dhacay caabuqa COVID-19 kadib markii natiijadda baaritaankiisa ay noqotay positive.

Isagoo la hadlayay Saxaafadda ayuu Wasiirka sheegay in wixii maanta ka dambeeyay uu gurigiisa isku karan-tiilayo, waxuuna ugu baaqey kuwii xiriirka la sameeyay ee ay wada kulmeen inay iska baaraan xanuunka, oo bulshadana ka ilaaliyaan.

Saleebaan Koore ayaa noqonaya Wasiirkii 3aad oo COVID-19 laga helo Somaliland, waxaa horey uu ugu dhacay xanuunka Wasiiradda Maalgashiga iyo Isgaarsiinta maamulkan dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixintii ugu dambeysay ku sheegtay in tirada Guud ee Laga Helay cudurka ay gaartay 3,376, iyadoo ay ka bogsadeen 2,791, waxaana dhimashadu istaagtay bishan 98.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.