Weerar ka dhacay Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay hal askari ku dishay, labo kalena ay ku dhaawacday weerarka, oo ahaa mid gaadmo ah oo lala eegtay barta-koontarool ee Boolikska DF ku leeyihiin Xaafadda Suuqa Xoolaha.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa ka dhacay xalay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa weerar Kooxda Al-Shabaab ay ku qaadey goob ay gaadiidka ku baraan Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.

Goobjoogiyaal ayaa sheegay in labada dhinac uu dhexmaray iska horimaad mudo daqiiqado ah socday, iyadoo markii dambe dib uga laabteen goobta Malleeshiyaadkii weerarka soo qaadey, waxaana lagu gaarsiiyay khasaarooyin kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay hal askari dishay, labo kalena ay dhaawacday, iyadoo aan ka hadlay kahasaaraha dhinaceeda soo gaarey. Weerarka wuxuu qeyb ka yahay dhacdooyin lidi ku ah amni oo maalmahan ka dhacaya Caasimadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.