Weerar Khasaaro geystay oo ka dhacay Galgaduud

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas xoogan ku fureen dad ku sugnaa tuulada Orshe ee ku taalla inta u dhexeeysa deegaanada Gaddoon iyo Xiindheere.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay ka dhacay gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay rasaas ku fureen dad shacabka ah oo hal qoys kasoo wada jeeda, oo ku sugnaa guri ku yaalla tuulada Orshe oo dhacda inta u dhexeeysa deegaanada Gaddoon iyo Xiindheere.

Weerarka layaa a tilmaamay inuu la xiriiray aano qabiil, iyadoo ragii falka geystay ay baxsadeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.