Weerarkii Elite hotel oo lasoo afjaray

Waxay ku qaadatey Ciidamada dowladda inay kusoo afjaraan weerarka mudo 4 saac ka badan, iyagoo toogtay dhamaan dableyda katirsan Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Weerarkii Elite hotel oo lasoo afjaray

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa caawa saacaddu markay ahayd 10:00 p.m. [Afar saac oo habeenimo] lasoo afjaray weerar xoogan oo ka dhacay hotel-ka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido, ee magaaladda Muqdisho.

Mas'uul katirsan Wasaaradda Warfaafinta, ayaa u xaqiijiyay Keydmedia Online in la dilay dhamaan kuwii ku jiray gudaha, oo lagu qiyaasay 4 illaa 5, waxaana tirakoob lagu hayaa tirada dadkii dhintay iyo kuwa dhaawaca ah.

Waxaa dadka dhintay ku jira Agaasimihii xiriirka gobollada ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Cabdi, oo goobta ku sugnaa, iyadoo dadka lasoo badbaadiyay uu kamid yahay milkiilaha hotel-ka Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo Baarlamanka katirsan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo kusoo beegmaya xili dalka uu ku jiro marxlad kala guur ah, oo Madaxdii qaranka ku mashquuleen arrimaha doorashooyinka, iyagoo dayacay amniga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.