Xadgudubyada aan cidna loo ciqaabin ee laga galo Suxufiyiinta

Soomaaliya waxay gashaa sanad walba meelaha tacadiga ugu badan ee aan cidna loo qaban loogu gaysto suxufiyiinta, oo kala kulma dhinacyada isku haya dalka dilal iyo xarig joogto ah.

Warar Keydmedia Online
Xadgudubyada aan cidna loo ciqaabin ee laga galo Suxufiyiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda AFEX ee fadhigeedu yahay Canada ayaa soo saartey warbixin ay ku sheegtay inuu sii kordhayo dhaqanka cidna aan lagula xisaabtamin xad-gudubka loo geystay Suxufiyiinta, iyagoo soo tabinaya warar iyo macluumaad ay u gudbinayaan bulshada.

AFEX oo u doodda xuquuqda wariyeyaasha, ayaa shaacisay in sanadkii 5aad ay Soomaaliya safka hore uga jirto dalalka ay ka dhacaan xad gudubyada ugu badan ee ka dhanka ah saxaafadda iyo suxufiyiinta, iyadoo la dilay saddexdii sano ee lasoo dhaafay illaa 8 wariye.

Mas'uuliyiinta dowladda Soomaalida marar dhif ah ayey baaraan kiisaska dilka ama weerarada loo geysto suxafiyiinta, xarumaha warbaahinta iyo dadka dhaliila maamullada ka jira wadanka iyo Kooxda Al-Shabaab.

In lala xisaabtami waayo dadka waxyeelleeya suxufiyiinta waxay sii dhiirri galisaa iney bataan dilalka waxayna inta badan calaamad u tahay heerka xun ee ay gaaraan dagaallada iyo in laga tallaabsado hannaanka sharciga iyo caddaaladda.

Sanadkii tagey ayaa ahaa midka ugu xumaa, oo ay dhaceen dilalka, xariga wariyeyaasha iyo xaruumaha warbaahinta, iyadoo dhacdooyinka laga diiwaangeliyay Muqdisho, Puntland iyo Somaliland, oo maamullada ka jira isku daya inay aamusiyaan warbaahinta madaxa-banaan.

Intaas waxaa sii dheer, sanadka 2019 oo kaliya, 12 suxufi ayaa lagu qasbay in ay dalka ka cararaan, iyaga oo ka baqaya xarig ama dil qorsheysan, oo uga yimaada Al-Shabaab ama dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Xorriyadda hadalka iyo madax-banaanida saxaafadda ayaa sii xumaanaysay tan iyo markii Farmaajo madaxweyne ka noqday Soomaaliya, iyadoo uu kordhay adeegsiga Ciidamada qaranka, gaar ahaan NISA ee dilalka, hanjabaadda iyo jirdilka wariyeyaasha.

Sidoo kale waxa jira xarumo warbaahineed oo shaqada laga joojiyay, iyo wariyeyaal si iskood ah uga tanaasulay guud ahaan shaqada saxaafadda, ka dib markii ay u adkeysan waayeen handadaadda loo geysto iyo cabsida xoogga leh ee ay ka qabaan in la dilo.

Tan iyo sannadkii 1992-kii, oo ku beegneyd hal sano ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ilaa 69 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya, mana jirin dad si rasmi ah loogula xisaabtamay iney dilalkaas ka dambeeyeen.

Warbixinta AFEX ayaa kusoo aadaysa xili bil kadib Soomaaliya ay doorasho ka dhacayso, islamarkaana uu jiro walaac xoog leh oo ku aadan la faaf-reeb lagu sameeyo saxaafadda xorta ah ama loo diido inay tagaan gaabaha codbixinta ka dhacayso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.