Xildhibaanada HirShabeelle oo doortay gudoomiye KMG ah

Xildhibaanada cusub ayaa gaaraya 90 xubnood, waxaana wali dhiman 9 kursi oo aan wali la dooran kadib markii beelaha ay ku murmeen.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanada HirShabeelle oo doortay gudoomiye KMG ah

JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanada HirShabeelle ayaa Maanta lagu dhaariyay xarunta maamulkaasi ee Jowhar, waxayna kadib doorteen gudoomiye KMG ah, oo noqonaya Xildhibaanka ugu da'da wayn oo lagu magacaabo Maxamuud Siyaad Barkhadle.

Gudoomiyaha cusub ayaa xilka sii heyn doono illa laga dooranayo gudoon rasmi ah maalmaha soo socda, waxaana kadib la gudaha gali doonaan howsha doorashadda Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa hareeyay doorashadda HirShabeelle eedeymo musuq-maasuq iyo wax isdab-marin lagu sameeyay kuraasta Baarlamaanka, oo lagu qoray dad aan matelin beelaha ay kasoo jeedaan, waxaana soconaya loolan adag oo Mucaaradka iyo dowladda Farmaajo ugu jiraan doorashadda Madaxweynaha Maamulkan.

Fahad Yaasiin ayaa ah ninka iska leh go'aanka kama dambeyska ah ee lagu dhisayo maamulka cusub ee HirShabeelle, sida uu Keydmedia Online u sheegay siyaasi katirsan Madasha Xisbiyadda Qaran, oo magaciisa ka gaabsaday.

Taliyaha NISA ayaa qoray dhalainyaro badan oo Sirdoon ah oo uu ka dhigay Xildhibaanno kamid noqday Baarlamaanka cusub ee HirShabeelle, kuwaasoo u codeyn doono Musharaxa Villa Somalia u wado Jowhar. [Halkan ka akhri Xogta KON]

Waxa loo ordayo ayaa ah Xildhibaanada Federaalka ee ka imaan doona HirShabeelle, oo ay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay ku tartamayaan, waxaana Farmaajo lagu eedeeyay inuu dantiisa gaarka ah ka hormariyay danta guud ee HirShabeelle iyo mida dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.