Fahad Yaasiin oo kulan qarsoodi ah la qaatey Guudlaawe

Fahad ayaa u xusul-duubaya in degaan doorashadda kursiga ooh adda tahay Beledweyne in loo soo wareejiyo Jowhar, maadaama Muqdisho u dhawdahay, islamarkaana uu amnigiisa ku halleyn karo.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo kulan qarsoodi ah la qaatey Guudlaawe

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin ayaa kulan socdey ilaa afar saacadood kula qaatey saakay Decale Airport Hotel kula yeeshay Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe, sida ay ogaatey Keydmedia.

Macluumaadka KON heshay ayaa tibaaxaya in kulan uu dhacay kahor inta uusan Guudlaawe maanta u ambabixin magaaladda Jowhar, ee Caasimadda maamulka uu hogaamiyo ee HirShabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Fahad iyo Guudlaawe ahaa mid qarsoodi ah, oo albaabada u xirnaa, oo xitaa loo diiday inay qolka galaan ilaalada gaarka iyo shaqsiyaad kale oo labada dhinac la socday.

Arrimaha Fahad kala hadlay Guudlaawe waxaa kamid ah Kursiga Gollaha Shacabka ee uu doonayo inuu ku fariistay, kaasoo degaan doorashadiisu tahay Beledweyne, oo katirsan maamulka HirShabeelle  [Halkan ka akhri].

Kursigan waxaa mudo dheer ku fadhiyay Faarax C/qaadir oo Damul-Jadiiid katirsan, waxaana sanadkan doonaya Fahad Yaasiin, oo siyaadda Soomaaliya ku dakanoobay mudo-xileedkii Farmaajo.

Fahad ayaa u xusul-duubaya in degaan doorashadda kursiga ooh adda tahay Beledweyne in loo soo wareejiyo Jowhar, maadaama Muqdisho u dhawdahay, islamarkaana uu amnigiisa ku halleyn karo.

Sidoo kale, Cali Guudlaawe ayaa xalay madaxtooyadda Villa Soomaaliya kula kulmay Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna kawada hadleen arrimo dhowr ah.

Fahad ayaa tan iyo markii uu fashilmay isku-daygii afgembiga 27-kii December, wuxuu deganaa Decale Airport Hotel, maadaama kacdoon ku furmay, isagoo ka baqayay in Ciidanka Badbaado qaran galaan Madaxtooyadda kadibna isaga iyo Farmaajo lagu dilo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.