Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Qoraal gilgilay quluubta siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa Todobaadkii tagey kasoo baxay dowladda Mareykanka, iyadoo Safiir cusub oo ka duwan midkii hore uu kusoo degay Muqdisho, kala soco macluumaad badan Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka, ee Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

6 February 2022: Sanadki kadib doorashadiisa, Guudlaawe ayaa ka degay Beledweyne, oo taalla 25-ka Kursi Baarlamaan, oo mid kamid ah Fahad Yaasiin u tartamayo. [Halkan ka akhri].

7 February 2022: Midowga Africa ayaa Haweenay South Africa u dhalatay usoo magacaabey ku-xigeenka Ergyaga u jooga Soomaaliya xili AMISOM waqtiga ka dhacayo. [Halkan ka akhri].

8 February 2022: Nabadoon caan ah ayaa lagu dilay Beledweyne, saacado kadib markii Madaxweyne Cali Guudlaawe la kulmay Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan. [Halkan ka akhri].

9 February 2022: Qoraal gilgilay quluubta siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa kasoo baxay dowladda Mareykanka, kaasoo xayiraad lagu saarey Farmaajo iyo Siyaasiyiin kale. [Halkan ka akhri].

10 Febuary 2022: Xili amniga Caasimadda sii xumaanayo, Qarax is-miidaamin ayaa ka dhacay Muqdisho, oo lala eegtay baabuur wadey ergada doorashadda Somaliland. [Halkan ka akhri]

11 Febuary 2022: Dagaal sokeeye oo u dhaxeeya Beelo Soomaaliyeed ayaa dib uga soo cusboonaadey gobollo katirsan dalka, iyadoo aan jirin dowladda joojisa Colaada. [Halkan ka akhri].

12 February 2022: Keydmedia Online ayaa heshay xog xasaasi ah oo muujinaysa shaqsiyaadka suurta-galka ah inay jiraan liiska cunaqabateynta Mareykanka soo rogay. [Halkan ka akhri].

13 February 2022: Villa Somalia ayaa wada qorsho Cabdiraxmaan Cabdishakuur looga celinayo inuu ku biiro Baarlamaanka cusub, iyadoo kursigiisa la geliyay dood. [Halkan ka akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.