Yamomoto oo u goodiyay Musharixiinta Mucaaradka

Safiirka Dowladda Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inuu la saftay Farmaajo, kadib markii dhinaca xun laga tusiyay Musharixiinta Mucaaradka ee tartanka kula jira Madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo.

Warar Keydmedia Online
Yamomoto oo u goodiyay Musharixiinta Mucaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamomoto ayaa caga-juglayn iyo hanjabaad u diray Musharixiinta Mucaaradka ee tartanka kula jira Farmaajo.

Isagoo hadal ka jeedinayay Shirka Madasha Iskaashiga [Somalia Partnership Forum], oo Maanta lagu qabtay Muqdisho, ayaa Donald Yamomoto sheegay in doorashooyinka ay waqtigooda ku dhacayaan, islamarkaana lagu dhaqmi doono go'aanada Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka ay tallaabo adag ka qaadi doonto qof kasta oo isku daya inuu carqaladeeyay hanaanka doorashadda, kaasoo ay u arkeen Musharixinta in laga leexay wadadii lagu heshiiyay.

Safiirka Mareykanka ayaa xusay in aan la qaban karin doorasho barbar socota midda uu qabanayo Farmaajo, taasoo shacabka Soomaaliyeed ay diideen maadaama gudiga maamulaya ay yihiin dhalinyaro NISA katirsan iyo shaqaale dowladeed.

Mareykanka ayaa saameyn wayn ku leh siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna siiya dowladda Federaalka taageero maaliyadeed oo xooggan iyo mid Ciidan, taasoo ka dhigtay dowladda ugu galaangalka badan dalalka ajnabiga ah ee daneeya arrimaha dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.