Sanad guuradii 26-aad AUN M.F.C

Aabihii xaq-u-hardanka iyo geesinnimda

General Caydiid, wuxuu ku suntanaa waddaninimo, wuxuu ahaa hoggaamiye u dhimrin badan kuwa dhimrinta iyo naxariista u baahan, wuxuu aaminsanaa madax-bannaanida, wuxuu ku dadaalay in aan Soomaalida lakala sarreysiin oo weel qura wax lagu wada cuno iyo in xukunku noqdo meerto dhexda taalla oo uusan shaqsi shaqsi gooni ah u xirnaan.

Warbixin Keydmedia Online
Aabihii xaq-u-hardanka iyo geesinnimda

MUQDISHO, Soomaaliya – 26 Sano ayaa ka soo wareegtay geeridii halgamaagii umadda Soomaaliyeed, geesigii Afrika iyo halyeygii Hawiye, Allaha u naxariirstee, General Maxamed Faarax Xasan (Caydiid), oo Muqdisho ku geeriyooday maanta oo kale 1-dii August 1996.

General Caydiid wuxuu sanadkii 1934-kii ku dhashay bartamaha Soomaaliya, wuxuuna Waxbarashadiisa hoose ilaa sare ku qaatay Muqdisho, ka hor inta uusan aqoon kororsi Military u aadin Rome iyo Moscow. Wuxuu ka soo shaqeeyay ciidankii ugu horreeyey ee booliiska Soomaaliyeed 50-aad-kii, kadibna kuwuu ku biiray Ciidanka XDS.

Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka uu sidoo kale soo noqday danjiraha Soomaaliya u fadhiya Hindiya, ka hor inta uusan go’aansan inuu dalka iyo dadka ka hor wareejiyo dhiigya-cabkii Ina Siyaad Barre ee kursi u qooqa, kibirka iyo dad kala sarreysiintu madax martay.

AUN Caydiid, isagoo awooda inuu xil kasta iyo xoolo waliba ka helo Kacaankii Ina Siyaad, ayay haddana u cuntami weysay inuu indhaha ka daawado dullinimada dadkiisu ku noolaayeen, darxumada degeenkiisa ka jirtay iyo sida darka taliska looga fogeeyay beesha uu ka dhashay ee Hawiye iyo inta badan qabiillada Soomaaliyeed.

Wixii xilligaas ka danbeeyay wuxuu buraashadda u dhaansaday, inuu gacmaha dadaka Soomaaliyeed dib ugu celiyo xukunkii laga boobay 1969-kii. 17-kii June 1990-kii ayaa magaalada Mustaxiil luugu doortay guddoomiyaha United Somali Congress (USC), dagaal dheer kadib, January 26, 1991-kii, wuxuu dhiigya-cabkii Ina Siyaad ka saaray Muqdisho.

Taasi waxa ay sababtay inuu sumad u noqdo, halganka xaq-u-hardanka, ka dhiidhinta dulmiga, ka kaaftoomidda aashuun ku addinka, xor-ahaansha, dhiiranaanta, go’aanka, geesinimada, ku-dhaca-diidmada-dulleysiga, dimuqraadiyadda iyo sinnaanta.

Allaha u naxariirstii, General Caydiid, wuxuu ku suntanaa waddaninimo, wuxuu ahaa hoggaamiye u dhimrin badan kuwa dhimrinta iyo naxariista u baahan, wuxuu aaminsanaa madax-bannaanida, wuxuu ku dadaalay in aan Soomaalida lakala sarreysiin oo weel qura wax lagu wada cuno iyo in xukunku noqdo meerto dhexda taalla oo uusan shaqsi gooni ah u xirnaan.

Halgankii xaqa ahaa ee General Caydiid, wuxuu sababay in shacabka Soomaaliyeed xor ka ahaadaan xukun kalatalis iyo in xukunku noqdo meerto iyo mid loo baratamo, in si xor ah loo ganacsado, wax loo barto, loona noolaado, in halkii la doono loo socdaalo iyo in qof kasta iyo qolo waliba xaqeeda gooni u raadsato iyadoo aan cidna u daba-fadhin.

Jananka waxaa looga mahadceliyaa inuu dalka, Qaaradda Africa iyo guud ahaan adduunka-ba ka badbaadiyay in dib loogu laabto gumeysi uu horkacayay Mareykanka iyo shirqoolkii dunida in lagu maamulo loogu talagalay ee The New World Order (NWO).

3-dii October 1993, ciidamadii huwanta ahaa ee UNOSOM ee uu horkacayay Maraykanka ee loo yaqaanay Rangers-ka, Delta Force Iyo waliba kuwii Mariniska ayaa howlgal militari ka fuliyay koofurta Muqdisho.

Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag, hayeeshee, waxa ay la kulmeen dagaal socday ku dhawaad labaatan saac ee xiriirka ah oo ay si weyn ugu jabeen.

Maraykanka waxaa maalintaa laga soo riday 4 diyaaradood oo ah kuwa loo yaqaan Black Hawk, waxaana laga gubay ugu yaraan 5 Beebe iyo baabuur kale oo aad u fara badan oo ay ciidamadoodu isticmaalayeen, waxaa isla goobtaas looga dilay ciidamadii Maraykanak 30 askari, inkastoo uu Maraykanku sheegaty in laga dilay 18 askari.

Dhaawaca soo gaaray ciidamda Maraykanaka, ayuu ku sheegay Admiral Johnaton Howe, in ay gaarayeen 96 asakari, waxaana nolol lagu qabtay mid ka mid ah duuliyayaashii diyaaradihii dhulka la soo dhigay, oo lagu magcaabo Michel Durant, ahaana Kornayl ka soo qayb galay dagaalkii gacanka inkastoo la sii daayay isagoo bed qaba.

Taageerayaasha MFCaydiid, ee koofurta Muqdisho, ayaa 15 June 1995, u doortay Madaxweyne Soomaaliya, [Dowladdii salballaar]. hayeeshee, wuxuu maalin Arbaco ah 14 July 1996 Jananku ku dhaawacmay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, dhaawacaas ayuuna u geeriyooday 1st August 1996, oo ku beegan maanta oo kale 26 sano ka hor, waxaana gurigiisii rasmiga ahaa loo hooyay 4 August, 1996.

GUNAANAD: U jeedka Allaha u naxariistee General Maxamed Faarax Xasan (Caydiid), wuxuu ahaa inuu meesha ka saaro nadaamka kaligii-talis-ka ah ee kaadida shacabka kalaxa ku shubay, wuxuu doonayay in Soomaalidu sinaato oo sharaf iyo karaamo ku wada noolaato, wuxuu ka dhag taagay darxumada dadkiisa dilatay iyo dowladda degaankiisa ku tumanaysa.

Wuxuu qaatay go’aan geesinimo leh oo uu ku wajahayo Af-weynihii awoodda badan is bidiay ee Soomaalidu ugu mahmaahday “Afkaada qabso ama Af-weyne raac”, oo macnuhu ahaa xabsiga gal ama Xisbiga Hanti-wadaagga u sacbi, ugu danbeynna yoolkii halgamaa Caydiid ayaa guuleystay, markaas ayayna Soomaali is baratay oo si la isla-oggol yahay wax loo qeysaday.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.