JOOJI: U baroorashada dilayaasha bulshada

Bulshadu in ay nooshahay diyaarna u tahay in ay sii noolaato dunidana boos ku yeelato waxaa lagu ogaadaa waa kuwa la damqada dhibanaayshooda, hal dhibic oo kamid ah dhiigga qof ayaga kamid ahna aan oga tagin xisaab la'aan, kuwooda dilaayaashana aan ka harin illaa ay dhadhimiyaan ciqaabta gabood falladoodii iyo ficilladoodii xumaa.

Warbixin Keydmedia Online
JOOJI: U baroorashada dilayaasha bulshada

1973 koox hubaysan ayaa weerartay bangi kuyaalla malaagaalada Stocholom caasimadda wadanka Swedan (4 qof uu midu rag yahay) ayey halkaas muddo 6 bari afduub ugu haysteen, si ay afduubayaashu dantooda ku gaaraan dadkaas dhib nooc kasta ah ayeey u geysteen muddadaas 6 da bari  ah. ugu danbayn ciidanka nabad-galyada ayaa ku guuleeystay in dhibbanayaasha ay bad baadiyaan, afduubayaashiina gacanta ku dhigaan.

Arrinta la yaabka leh ee dhacday aya ah in dhibbanayaashii la murugoodaan afduubayaashii dhibaka u gaystay waxa ayna diideen in ay ku marqaati furaan maxkamadda horteeda. Waxaase kasii yaab badan in ay aruurin u galeen lacagtii qareennada difaaci lahaa ay qaadan lahaayeen.

Cilmi baarayaasha  arrimaha cilmi nafsiga waxa ay kutilmaameen arrintaan cudur nafsi ah oo  keenaya dhibanuhu in jeclaado qofka dhibaateey. waxa ayna ugu magac dareen (Stocholom Syndrome متلازمة استوكهولم) oo lagala jeedo in uu dadkaas haayo cudur aan wali haybtiisa meel lagu saleyn balse ah mid qarsoon oo gudaha qofka sida nafsadda.

Dhacdo kale oo tan ka horreeysay oo kadhacday dhulkii la oran jiray Andalus oo hadda loo yaqaanno Isbayn iyo qayb kamid ah Bortaqiiska ayaa jirta, waxaa warinaya hoggaamiyihii dawladdii Muraabidiinta, Yuusuf Bin Taashafiin ee xukunka ka tuuray hogaamiya kooxdayadii dadka dhibi jiray dawladdii iyo dhulkii aqoonta iyo ilbaxnimada ku hormarayna ka dhigay goobo kal xiran waxa ayna ukala tartami jireen gaaladii damcaysay dhulka muslimiinta.

Kii ugu awoodda badnaa hoggaamiye kooxeedyadaas boqorna ka ahaa magaalada Ishbiiliya iyo hareeraheeda lana oranjiray Muctamid Bin Cabbaad markii loo eryay carriga Marooko dadkii isku soo baxay waxa ay dhahayeen; “U naxriiso waa nin da’ ah waxa uu haysto malahan dawladdiisii waa bur burtay”.

Markii doontii uu ku tillaabi lahaa la saaray waxaa kusoo xoomay dad barooranaya indhahoodana illini buuxisay waxa ay u barooranayaann dilaagii mudada dheer dhibka ku hayay dad iyo duunyaba dhibteeyay- hadalka waxaa sii wata Yusuf Bin Taashafiin-asaga oo dadkii la yaaban ayuu ku war celinayaa sida tan;

“Maxaa idin helay goormaad iloowdeen dhibaatadii ninkaan idinku hayay, waxaad la damqanaysaan waxa indhiinnu qabanayaan oo kudhacaya ninkaan, waxaadse hilmaamteen wixii hore, waxaad kaloo u jeeddaan dhibka uu maanta ku suganyahay waxaadse is hilmaansiinayaan wixii keenay waxaad iiga ergaynaysaan in aan u dhimriyo oo waxaad leedihiin tolka sharafta leh uu ka dhashay dartood ugu dhimri, waxaad iska indha tiraysaan in ay dhibaatada maanta ay ku kooban tahay hal qof asagu dhibkiisuna waxa uu mudda dheer dhibaataynayay bulsho dhan”.

SOOMAALIDA IYO MAAMUUSKA DILAAGA;

 Soomaalidu waxa ay ugu liidataa bulshooyinka uu saameeyay cudurkaas aan kor kusoo sheegnay marka uu dhinto dilaa bulshada dhib badan u gaystay dilaagaas ha ahaado madax sare ama taliye ciidan heerka uu rabo ha joogee laabtooda waxaa kasoo maaxata naxariis meel ay ka timid aan la garanaynin oo waxaad bata baroorta iyo ammaanta dilaaga loo haayo.

Waxaa maamuuskiisa kawada qayb gala bulshada oo dhan, waxaa la illaawaa caruurtii uu agoonteeyay waalidkii uu gablamiyay, kuwii uu naafada ka dhigay, waxaa shaki kaa galayaa in uu dilaa ahaa iyo in kale marka aad fiiriso ammaanta beenta ah ee la huwinayo darajooyinka uusan horay u lahayn oo lagu tixayo, geesinnimo iyo guulo uusan lahayn oo loo saarinayo, dhabta qof abbaarana oo runta ka sheega waxa uu ahaa waxaa lagu afjigayaa, kaligiis miyaa wax laayay kuwa badan oo wax dilaa dhoobane kan maxaa ku daba dhigay?.

"Reer hebel dilaagooda iyo mooryaankoodaba waa maamuusaane keenna kali ah miyaa kuu muuqda"?, kuwa kale waxa ay isku dayayaan in ay kugu afjigaan qaab diini ah ayagoo ku leh; "diinteenna suubban soo nama farin in aan wax laga sheegin qof dhintay"?, taasna waa aqoon darri diineed waxaa isku mid laga dhigayaa qof wanaagsanaa marka uu dhinto in wax laga sheegahi in ay reebantahay iyo kan xun waxa uu yahay in la sheegaahi diintu in aysan diidin.

Nusuusta diinta waxaa ka mid ah xadiiska suubanaha NNKH uu ku sheegay qofku marka uu dhinto laba mid in uu noqonayo (مستريح ومستراح منه) mid ka ka raysta adduunyada dhibkeeda waa kan wanaagsane iyo mid dadka iyo degaanba dhibkiisa ka rraystaan, waxaa jira Xadiiska kale oo suubanaha laga wariyay NNKH(suubaanaha NNKH iyo asxaabtiisa qayb kamid ah waxaa lasoo hormariyay janaaso qof dhintay asxbaatii ayaa ku tilmaamay qofkii maydka ahaa in ahaa qof xun suubanaha waxa uu kujaawaabay (وجبت) waa sugnaatay, haddana janaaso kale ayaa lasoo hormariyay wanaag ayeey ku tilmaameen suubanuhu hadana waxa uu dhahay (وجبت) waa sugnaatay marka la waydiiyay, waxa uu ku jawaabay kan waxaad ku tilmaamteen xumaan naar ayaana u sugnaatay, kan kalena wanaag ayaad ku tilmaamteen janno ayaana u sugnaatay,s ababtoo ah waxaad tihiin marqaatiga Ilaaheey ee dhulkiisa (انتم شهداء الله في ارضه).

Nusuustaan iyo kuwa kaloo tira badanba waxa ay tusinayaan qofka xumaha muujisan jiray iyo kuwa dadka dhibi jiray sida dilaayaasha in waxa ay yihiin la sheegi karo markay dhintaan kadibna laguna farxi karo dhimashadooda.

Waxaa dhacda dilaa aad loo necbaa oo dhib aad u wayn dadka ku haayay in uu ku dhinto xaalad wanaagsan sida asaga oo ku jira la dagaalanka cadwga ama uu ku dhinto gacanta cadawga bulshada dhan ay necebtahay sidii ku dhacday kaligii taliyihii wadanka ciraaq Saadaan Xusayn, waxa dal dalay ciidamadii Maraykanka ahaa ee waddanka xoogga ku qabsaday xukunkana ka tuuray waliba maalin muslimiinta  u ahayd farxad.

Ciidwen ayaa la-dal-dalay, taas waxa ay keentay in dadkii u murugoodaan oo ay ku tilmaamaan geesi, waxaa ugu siidarnaa gabyaa reer ciraaq ahaa oo dhibane u ahaa xukkunkii Saadaam lana oran jiray Cabbaas Jeejaan oo waliba naftiisa kala cararay qaxooti ahaanna ku joogay waddanka Holland uu ku ammaanay dhawr gabay oo mid ka mid ah marka la dhagaysto indhahaaga ilmo soo dhaafayso, waa arrin layaab leh waxaana ka afcelin kara gabyaaga kali ah.

Arrintaas kaligii-taliyahaas ku dhacday kama mayrayso danbigii uu umadda ka galay, waa yaabka yaabkiisa, hilaami okaa dadka reer Ciraaq sanadihii dhibka, gaajada colaadda ee uu dhandhansiiyay. Sidaas oo kale waxaa ah oo kasii hooseeya bulshada Soomaaliyeed oo isugu daray maamuus dilaayaasha kuwoodii noolaa kuwooda dhintana u baroorta.

Burburkii xukunkii ciidamada ee maddada 21 sano ah ka tilnayay Soomaaliya ayeey isaga carareen hormoodkii nidaamkii kaligii-taliga, wax yar kama soo wareegin markii ay maarayn waayeen dhibkii bulshadu ku jirtay qoladii awoodda la wareegtay mana aysan ku guulaysan faylashii danbiyadii la galay mudadii 21 sano ahayd in ay furaan bulshadana la wadaagaan.

Qoladii bulshada kadeedka ku haysay mudadaas marka ay waayeen dad u  raacanaya una eryana gabood falladii ay galeen iyo xumaanta ay dhex taaganyihiin qoladii xukunka katuurtay waxa ay la noqotay ama ay u arkeenba ay qumanaayeen, waxa ay kasoo baxeen godadkii ay kudhuumanayeen intii wadanka dibadiisa u haayantay maahane intii wadanka gudihiisa ku hartay waxa ay kudhiiradeen in ay bulshada soo dhex galaan oo waliba kaqayb qaataan wax loogu magac daray shirar dib uhishiisneed oo looqabanayay bulshadii ay isku direen dabkana isugu dhiibeen.

Kuwoodii magan galay waddamada reer galbeedka iyo waddamada dariskaaba wax ay noqdeen talo bixiyaal wax laga weydiiyo xaaladda cakiran dadka iyo dalka ay ku suganyihiin.

Waxaa dhagaahaaga ku soo dhacaya erayo ay ka mid yihiin hebal waa khabiir waxa uu la soo shaqeeyay dawladdii hore, xukunkoodii iyo nolashii sillooneed ay dadka iyo dalkaba ku haayeen waxa ay ku tilmaameen barisamaad iyo erayo kaloo kuwaas la mid ah oo qofkii damiir lehi uusan u dulaaqan karin maqalkooda.

Kadeedkii iyo kala qoqobkii ay bulshada galiyeen hooggaamiyo beeleedyo kooxo meelleeyashiya ah meel ku haystay degaan ama xaafad gooni ahna ka talinayay ayaa bulshadii jid iyo jiho u diiday ayadoo xaalku sidaas yahay ayaa markali ah kali ah lagu baraarugay dawlad lagu soo dhisay dalka Jabuuti 2001 oo madax kayahay mid kamid ah tiirarkii xukunkii kaligii-taliga ahaa waliba kuwii ugu dhawaa uuna ku  kalsoonaa kaligii-taliyahu.

Sanadkii 2009 ayaa markale waxaa dawlad lagu soo dhisay xukuumad uu hoggaamiye ka yahay Madaxwayne Shiikh Shariif Shiikh Axmed arrinta layaabka leh ee meeshaas ka dhacday ayaa ah in uu tartanka wareega ugu danbeeya ninka looga guuleeystay uu yahay wiil uu dhalay kaligii-taliyihii waa Masalax Maxamed Siyaad.

Haddaba wayaabe maxaa loola diriray xukunkii uu taliyaha ka ahaa gabood falladana uu ka geystay aabihiisna madaxa uu ugu sarreeya ka ahaa. garaadka caafimaadka qaba ma ahan arrin ka daadagaysa, waxaa lagu tilmaami karaa oo kali ah in aan nahay bulsho xanuunsan lana daalaa dhacaysa wali cudurka nafsiga ah ee aan ku kor kusoo sheegnay ee ah ee ah in dhibanuhu jeclaado kii dhibaateey wali ay xeel dheerayaasha caafimaadka dhanka nafsiga ay u la'yihiin afcelin maan gal ah.

Bulshadu in ay nooshahay diyaarna u tahay in ay sii noolaato dunidana boos kuyeelato waxaa lagu ogaadaa waa kuwa la damqada dhibanaayshooda, hal dhibic oo kamid ah dhiigga qof ayaga kamid ahna aan oga tagin xisaab la'aan,kuwooda dilaayaashana aan ka harin illaa ay dhadhimiyaan ciqaabta gabood falladoodii iyo ficilladoodii xumaa faleen  ama ay kuhubsadaan god kulana aasaan taariikhdoodii xumayd iska daa in ay ubaroortaan bulshadaas waxaa ladhihi waa mid nool.

Hayeeshee, bulshada uu dilaagu isu badalo dhibane huwisana muumuus iyo xilal waa bulsho jirran una baahan daawo dhanka dhimirka ah.

Abwaan Maxamed Warsame Tabantaabo ayaa tix gabay ah u ku tusaaleeyay dilaayaasha lasii dallacsiiyo:

Dilaa sare waa inuu u sii dallaco, saa la dili waaye,

Digtatoori waa in uu noqdaa, saa la dili-waaye,

Dastuur gaar ah waa in uu degsado, saa la dili waaye

Boqortooyo waa in uu dalbado, saa la dili waaye

Duruus been ah waa aqriyo, saa la dili waaye

Wejigiisa waa inaan la deyin, saa la dili waaye

Waa inaad madaxa hoos uga duwadaan, saa la dili waaye

Soo dareera goortuu yiraah, saa la dili waaye

Waa inaydin deri yeelataan, saa la dili waaye

Waa inaad dhammaan dabagashaan, saa la dili waaye

Dadnimo waa inaad kala tagtaan, saa la dili waaye

Dirqina waa inay idin ku tahay, saa la dili waaye

Dullina waa inaad soo baxdaan, saa la dili waaye

Dumarkuna durbaannada u tumo, saa la dili waaye

Ragguna waa inuu sacab ku daro, saa la dili waaye

Madaafiicda goortuu duldhigo, saa la dili waaye

Ducaqabana waa inaad dhahdaan, saa la dili waaye

Wuxuu doono waa inuu falaa, saa la dili waaye

Waa inuu Xamarna Daafeed u raro, saa la dili waaye

Hargeysana badweynta ha u diro, saa la dili waaye

Kismaayona webiga ha ku dhex daro, saa la dili waaye.

Waxaa muuq baahiyaha SNTV laga siidaayay intii udhaxaysay 2012-2013 waraysiyo lala yeelanayo Axmed Saleebaan Dafle oo ahaa madixii hay’addii NSS ta kana mid ahaa 5 tii nin ee ugu sarreeysay kacaankii lugooyo, looguna yeeri jiray 5 tii galaha sare ee kacaanka. Dafle waa ninkii madaxda ka ahaa meeshii laga maleegayay dhibkii loo gaystay shacabka Soomaaliyeed muddadii 21 sano ahayd ay waddanka ka arriminayeen wixii gabood fallo ah ee dhacay waa ninkii ay k abilaabanaysay kuna dhamaanaysa oo ahayd in wax laga waydiiyay.

Ninkaas halkii ay ka ahayd haddii aan asaga eed loo raacanaynin in uu bulshada ugu yaraan ka dhuunto ayaa taa baddalkeeda waxaa loo sameeyay maamuus iyo buun buunin meesha laga buun buuninayana waa warbaahintii qaranka oo la rabay in ay bulshada ugu adeegto si hufnaan ah ayaa laga buun buuninayaa wax lagu sheegay taariikh nololeed, mid kamid ah dilaayaashii ugu caansanaa Soomaalida oo wax ku dila magac dawladeed, waana Axmed Saleebaan Dafle.

2018 Raysal wasaarihii xukumaaddii xilligaas ka talinaysay dalka, masaajid laga dhex dhisay xarunta nabad sugidda ee NISA ayaa loogu magac Dafle, ninkaas Raysal Wasaaraha ahaa waa nin aqoontiisa ku aaddan sooyaalkii silloonaa ee lasoo maray ay aad u yartahay bulshada kuwa hagaya ee jihada ku dhuminaya waa kuwa kaas lamid ah.

Buun buuninta iyo maamuusidda kuma eka kuwa nool waxaa wehliya midkoodii debadda ku geeriyooda waxaa lagu soo qaadaa diyaarad lagu kireeyay canshuurtii shacabkii ay dhibaateeyeen, waxaana loo sameeyaa maamuus iyo aas qaran oo ay ka qayb galaan madaxda oo dhan.

Bal u fiirso aaskii loo sameeyay Maxamed Cali Samatar waxaa shakki kaagalayaa qofka aaska loo sameeynayo in uu yahay Maxamed Cali samatar oo lawada ogyahay waxa uu ahaa iyo waxa uu bulshadaba kufalay iyo halyeey qaranka usoo adeegay ee kusoo dhintay goobta dagaalka.

Waxaa la soo gaaray 2017, waxaa waddanka madaxa ugu sarreeya noqday oo dalka madaxweyne ka noqday nin mudda 30 sano ahna qurbaha ku noolaa oo rumaysan aragtiidii kacaanka ee ku dhisneyd xoogga iyo is muqiininta mudda 5 sano ah oo uu waddanka ka tilaniyay waxa uu isku dayay in uu soo celiyo xukunkii kaligii-taliska ahaa asagoo qaadayay tillaabo kasta oo muujinaysa in uu ka tusaalo qaadanayo kacaankii lugooyo falalkiisii gurracnaa, waxaa kahor yimid baraarug bulsho oo isku badalay iskacaabin ciidan iyo mid siyaasadeedba, sidaasna awooddii looga qaaday.

Taasi kama dhigna asaga iyo ragga lamidka ahba in ay badaleen aragtidoodii gurracneed, wali waa ku adkaysanayaan markale iyo mar sadexaadba waxay isku dayayaan in ay dhaqan galiyaan mar uunna ka dhabeeyaa.

Haddaba waxaa lagudboon qolada wadanka taladiisa haysa waxaana hortaallaa furasaddii seegtay hogaamiyaashii katuuray kaligii-taliga xukuna ee lawareegay caasimadda iyo hareeraheeda, waxa ay awoodaan maantay in ay bulshada meel fiican ku hagaan, wixii la qaldayana dib u saxaan gabaood falladii magaca dawladda lagu galay faylashoodii furaan kuwa bulshada dhibka u gaystayna banaanka u soo saaraan taariikhdii iyo halgankii lamarin habaabiyayna toosiyaan.

W/Q: Shaafici  Macallin Axmed

FG; Aragtida uu gudbinayo qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ku xusan, kamana tarjumeyso siyaasadda Warbaahinta Keydmedia Online, - KON waa madal u dhaxaysa dadka una furan in aragtiyada caamka ah lagu gorfeeyo si yoolka iyo xalka loo gaaro.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.