From Amir To Minister – Waa kuma Mukhtaar Roobow?

Kadib markii uu Axmed Cabdi Godane, khaariyiyay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad oo loo yaqaannay (Ibraahim Al Afghani) ama (Macalin Cali) ama (Abuubakar Al-seylici) iyo nin kale oo la yiraahdo Cabdxamiid Xaashi Col-haye (Macalin Burhaan) isla-markaana uu baxsaday Xasan Daahir Aweys, ayuu Mukhraar isna u baxsaday dhanka gobolka Bay.

Warbixin Keydmedia Online
From Amir To Minister – Waa kuma Mukhtaar Roobow?

MUQDISHO, Soomaaliya – Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) mid ka mid ah aas-aasayaashii Kooxda Al-Shabaab iyo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Kooxdaas oo tan iyo 13-kii bishii December 2018, sifo shacgiga baal-marsan ugu xiranaa guri ku yaalla Muqdisho, ayaa ugu danbeyn maanta si buuxda u helay xoriyaddisa.

Mukhtaar Roobow, wuxuu ka soo dhex muuqday Golaha Wasiirrada ee dhawaan lagu dhawaaqay, waxaana loo magacabay Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Feeraalka Soomaaliya.

HADDABA WAA KUMA MUKHTAAR ROOBOW?

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) waxa uu ku dhashay degmada Berdaale ee gobolka Bay dabayaaqadii Lixdameeyadii, wuxuu ka soo jeedaa beesha Leesaan oo ka tirsan beelaha Digil iyo Mirifle (Raxanweyn) ee dega gobollada Bay iyo Bakool.

Waxaa la sheegaa inuu bartamihii 90-aadkii dugsi Qur’aan ka furtay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool, ka hor inta uusan ku biirin hoggaanka Ururkii Elitixaad Al-islaam ee gobolka Gedo kula dagaallamay Itoobiya sanadkii 1998.

Wuxuu wax barasho u aaday dalka Suudan, kadibna wuxuu u sii tallaabay Afghanistan oo 2001 - illaa 2002 uu ku qaadanayay tababarro ay buuraha dalkaas ku siinayeen Ururka Al-Qaacida, isagoo halkaas kula kulmay hoggaamiyihii Al-Qaacida Usaama Bin Laaden.

Kulan ay Al-Shabaab ku qabteen degmada Afgooye 11-kii May 2011, oo ciwaankiisu ahaa, ‘Kullunaa Usaama’ - oo macnaheedu yahay “Innaga oo dhan waxaan nahay Usaama”  oo ay tacsi kala jeedeen, ayuu Abuu Mansuur ka sheegay inuu la kulmay Usama una aari doono.

Axmed Cabdi Godane, Ibraahin Afghani, Mukhtaar Roobow iyo Fu’aad Shongole, ayaa la rumeysan yahay in ay ugu horreeyeen rag Soomaali ah oo Usaama Bin Laden kula kulmay dalka Afgaanistaan, gaar ahaan buuraha gobolka Qandahaar, oo Taliban ku xoogganeyd.

XILLIGII MAXAAKIIMTA;

Mukhtaar Roobow, wuxuu xilligii Maxaakiimta soo noqday, ku-xigeenka Xafiiska difaaca oo uu madax ka ahaa Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde), oo u dhiganta (Wasiir ku xigeyn), sidaas oo kalena waxa uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeennaddii Golaha Fulinta.

Sida la sheego saameyn xooggan kuma dhex lahayn hoggaankii Maxaakiimta, haheeshee, wuxuu si weyn u soo dhalaalay billowgii 2007-dii, kadib markii Maxaakiimtii laga adkaaday dhamaadkii 2006, wuxuuna ka mid noqday shaqsiyaadkii majaraha u qabtay Al-Shabaab.

WAAYIHIISII AL-SHABAAB;

Mukhtaar Roobow, wuxuu ka mid noqday madaxdii ugu firfircooneyd gudaha Al-Shabaab, Wuxuu noqday Af-hayeenka Kooxda, sanadihii ugu horreeyay, wuxuu ahaa madixii ugu suuq-geynta badnaa Ururka oo dadkii ugu badnaa afkiisa ku raaceen Kooxda.

Kadib dhimashadii Aadan Ceyrow oo la dilay bishii May, 2008, waxaa la filayay in Mukhtaar buuxin doono kaalintiisa, maadaama uu ahaa shaqsiga tayeyn; jiheyn iyo taageero u raadinba ugu muhiimsanaa Kooxda, hayeeshee xilkaas waxaa qabtay Abuu Subeyr.

Axmed Cabdi Godane, oo aan raalli ka ahayn saameyntii Mukhtaar ku dhex lahaa Al-Shabaab, ayaa Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) u magacaabay Afhayeen ka Kooxda Alshabaab, si Mukhtaar Roobow looga fogeeyo darka looga taliyo Ururka.

Guux xilligaas ka dhex billowday Al-Shabaab oo ku saabsanaa xil ka qaadista Abuu Mansuur, waxa ay Abuu Subeyr ku qasabtay inuu Mukhtaar u magacaabo ku xigeen ka Amiir ka Al-Shabaab, oo u dhigama Guddoomiye ku xigeynka Kooxda.

Mareykanka ayaa bishii June 6, 2012-kii Mukhtaar ku daray liiska shaqsiyaad ka tirsanaa hoggaanka Al-Shabaab oo madaxooda la dul dhigay lacag malaayiin dollar ah, Roobow waxaa madaxiisa la dul dhigay 5 malyan oo doolar, in kastoo liiskaas laga saaray 2017.

Kadib markii uu Axmed Cabdi Godane, khaariyiyay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad oo loo yaqaannay (Ibraahim Al Afghani) ama (Macalin Cali) ama (Abuubakar Al-seylici) iyo nin kale oo la yiraahdo Cabdxamiid Xaashi Col-haye (Macalin Burhaan) isla-markaana uu baxsaday Xasan Daahir Aweys, ayuu Mukhraar isna u baxsaday dhanka gobolka Bay.

WADAHADALLAADII DOWLADDA SOOMAALIYA;

Bartamihii bishii 8-aad ee 2017, Mukhtaar Roobow, oo ay ilaalinayaan ciidamo ka tirsan kuwa NISA, ayaa warbaahinta kula hadlay hoteel ku yaala magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in xubinnimada Al-Shabaab uu ka baxay 5 sano iyo 7 bilood ah, xilligaas, isla-markaana uu wadahadallo kula jiro hoggaanka dowladda.

Mukhtaar, wuxuu si aan gambad lahayn u sheegay inuu si buuxda uga soo horjeedo fahamka khaldan ee Al-Shabaab ka heystaan diinta Islaamka, taasina ay sabab u noqotay in ay dhowr jeer ku weeraraan degaanka Aabal oo 18 kiiloomitir u jira Xuddur, halkaasoo uu iyaga kaga gambanayay wixii ka danbeeyay 2013-kii, Dowladda ayaana si buuxda u cafisay.

XARIIGIISII MUQDISHO;

Mukhtaar Roobow, wuxuuna dabayaaqadii 2018, go’aansaday inuu isku sharraxo xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, hayeeshee, Fahad iyo Farmaajo oo doonayay in ay [adeege gaar ah] geystaan Badhabo ayaa hor istaagay damaciisa siyaasadeed, ciidamada Itoobiya ayaana 13-kii December 2018, ka soo afdubay Baydhabo.

Tan iyo Xilligaas Fahad iyo Farmaajo ayaa Roobow xabsiga ku yahay, isaga oo aan la geyn wax maxakamad ah, taas oo baal marsan sharciga dalka u yalla iyo guud ahaan qawaaniinta lagula dhaqmo maxaabiista, waqtigaas uu Farmaajo xabsiga ku hayo Mukhtaar, waxaa NISA xil ka hayay, madaxii hore ee sirdoonka Al-Shabaab, Zakariya Ismaaciil Axmed, kaas oo mar madaxiisa la dul dhigay saddex malyan oo dollar.

Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu hore sharci darro ugu tilmamay xariigga Mukhtaar, wuxuu xusay in “Afduub lagu heysto”, ugu danbeyn maanta ayaa magacaabay Wasiirka Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Feeraalka Soomaaliya.

MAXAY KA DHIGAN TAHAY MAGACAABIDDAAN?

Tallaabada Mukhtaar Roobow loogu magacaabay Wasiirka ayaa ka dhigeysa shaqsigii ugu horreeyay ee xil weyn ka soo qabtay Al-Shabaab, isla-markaana Dowladda Soomaaliya u dhiibto xil Wasiir.

Sidoo kale, talaabadaan ayaa la micno ah, ‘wacyigalin’ waxayna waddada u xaareysaa in hoggaanka Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab u soo wareegaan dhanka Dowladda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.