DF & DG oo isku heysta wax qaybsi la garan la’yahay

Waxaa muhiim ah in Dowladda Goboleedyada ay ka fiirsadaan doodaha dhaawacaya dib u soo nooleynta wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.  Ma muuqato sabab waqti loogu lumiyo doodda ku saabsan qaybsiga deeqaha caalamka oo ujeedooyinkooda horey loo qorsheeyay.

Warbixin Keydmedia Online
DF & DG oo isku heysta wax qaybsi la garan la’yahay

Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay aad ugu jaahwareersan yihiin fahamka habraaca Kaalmada Caalamka, sababtoo ah muddo 10 sano ah laguma guuleysan dhammeystirka dastuurka KMG oo asaas u noqon lahaa habraaca Maamulka Maaliyadda Qaranka oo Miisaaniyadaha dowladda federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Dowladaha Hoose lagu soo bandhigi lahaa.

Sidaa darted, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada waxay isku haystaan wax qaybsi la garan la'yahay sababta,  kaaso caqabad ku ah howlgalka dowladda federaalka.

27kii Bishii Luulyo la soo dhaafay , Bankiga Adduunka wuxuu ku dhawaaqay inuu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $100 milyan, lacagtaaso ah kabid Miisaaniyadda 2022.

Cinwaanka Qoraalka Bankiga Adduunka ka soo baxay ee ku saabsanaa deeqdaas wuxuu yahay: 

"Soomaaliya oo $100 Milyan oo Bankiga Adduunka ka timid ku xoojineysa Daahfurnaanta Maaliyadda Dowladda iyo Kobaca furan ee dhaqaalaha Gaarka ah  (Somalia To strengthen Fiscal Transparency and Inclusive Private Sector Growth with $100 Million from World Bank )."

Qoraalka wuxuu tilmaamaya in ujeedooyinka lacagtaas tahay:

* taageridda sii wadidda howlaha lagu higsanayo Yoolka dhammeystirka barnaamjika deyn cafinta;

*Taageridda daahfurnaanta Miisaniyadda  Dowladda iyo kordhinta dakhliga canshuuraha lagu gaarayo is waafajinta Canshuuraha dekedaha (Harmonirzation of customs regimes) iyo hagaajinta wax isu gudbinta dowladda federaalka dhexdeeda ah (Intergovernmental fiscal Transfers).

*Asaas u noqoshada hagaajinta maamulka maaliyadda dowladda dhexdeeda ah si loo adkeeyo ajendaha kor u qaadidda xasillonida iyo kartida dowladda oo muhiim u ah dhirrigelinta kobaca dhaqaalaha furan, kaaso ay ku xiran tahay horumarinta kalsoonisada daahfurnaanta maamulka maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

*Madaama Soomaaliya ay haystaan dhibaatooyinka kedis ah ee ka dhashay isbeddelka cimilada, kalmada waxay wax ka tareysa adkeysiga dhaqaalaha iyo maalgelinta qaybaha kalluumeysiga iyo tamarta la cusbooneysiin karo (Renewable Energy) oo fura u ah shaqo abuur iyo koboc dhaqaale.

*Aburitaanka fursad maaliyadeed ee madaxda dowladda u oggolanaya inay ka jawaabto xaaladda sii xumaaneysa ee abaaraha, sicir bararka cuntada iyo shidaalka iyo quutul daruuriga kale.

*Awood-u-siinta dowladda federaalka inay lacag caddaan ah gaarsiiso dadka tabaaleysan, oo ay ka mid yihiin haweenka, taaso ah habka gurmadka ugu habboon ee wax looga qaban karo musiibooyinka socda.

Wakiilka Bankiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya, Kristina Svensson, waxay tiri " tallaabada ( this operation) -  $100 milyan - waxay kobcineysa Maaliyadda dowladda (Government's Fiscal space) ay uga jawaabi karto ama wax uga qaban karto xaaladda abaarta, isla markaana ay sii wadi karto fulinta howlaha lagu higsanayo  gaaridda dhammeystirka barnaamijka deyn cafinta."

Qoraalka Bankiga Adduunka wuxuu daaha ka qaadaya ujeedooyinka ballaran ee  lacagta $100 milyan ah loogu tala galay in lagu maareeyo si barnaamijka deyn cafinta uusan u fashilmin. Dowladda Federaalka waxaa saaran inay kala doorato baahiyada faraha badan ee kor lagu tilmaamay. Sidaa awgeed, ma muuqato sabab Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu murmaan qaybsiga deeqaha iyo deymaha caalamka, waayo deeqahaas waxay marayaan Miisaaniyadda haddii ay yihiin kabid Miisaaniyadeed ama Mashaariic inta badan horey loo qorsheeyay.

Tusaale ahaan,

*Kharajka Miisaaniyadda dowladda Federaalka 2022 waa $918,666,761.

* Dakhliga Guud waa $907,149,798.

~Dakhliga Gudaha waa $246,988,708.

~Kaalmada Dibedda waa $660,161,090.

*Farqiga Isdhinka (Deficit) ee dakhliga iyo kharajka guud Miisaaniyadda 2022 waa $11, 516,963.

Sannadkii 2021, waxaa jiray Isdhin (Deficit) noqday deyn taagan oo dhan $15 miliyan.

Isugeynta deynta taagneyd 2021 iyo kan la filayo 2022 waxay noqoneysa $26.5 Milyan sida ku cad Miisaaniyadda 2022. 

Waxaa muhiim ah in Dowladda Goboleedyada ay ka fiirsadaan doodaha dhaawacaya dib u soo nooleynta wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.  Ma muuqato sabab waqti loogu lumiyo doodda ku saabsan qaybsiga deeqaha caalamka oo ujeedooyinkooda horey loo qorsheeyay.

Dowladda Federaalka waxaa saaran daahfurnaan.

Miisaaniyad Sannadeedka 2022 ayaa tilmaaameysa qoondada dowlad Goboleedyada ka helayaan deeqaha Caalamka ayadoo ay ku xiran tahay dakhliga gudaha iyo dibedda soo xarooda.   

Waxaa muhiim ah in waqti la geliyo lafa guurka nidaamka maamulka maaliyadda dowladda federaalka (Fiscal federalism) oo ah qodob asaasi ah si loo dhammeystiro dastuurka KMG.

Dr. Maxamud M. Culusow

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.