LAAB-LA-KAC MAYA: XASANOW HALA XISAABTAMO

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.

Warbixin Keydmedia Online
LAAB-LA-KAC MAYA: XASANOW HALA XISAABTAMO

Inkastoo xoreynta dalka iyo la dagaallanka Kooxaha lidka ku ah nabadda Soomaaliya ay tahay waajib in laga wada-qeyb qaato oo aan Qaran iyo Qabiil loo kala harin, haddana waxaa lama huraan ah in la xisaabtamo, waxna la iska weydiiyo tagtadii la soo maray.

Sida igu maqaalo ah, Madaxweynaha dalka ayaa ku wajahan degmooyin iyo degaanno ay ku jirto Wisil oo ku taalla gobolka Mudug, halkaas oo hormuud u ahayd kacaankii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee sanadkii hore ka curtay degaanno badan oo ka tirsan Galmudug.

U-jeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii uu dib u abaabul xooggan ugu sameyn lahaa dadka degaanka, si looga mira-dhaliyo gulufka dagaal ee Saddexdii bilood ee la soo dhaafay Al-Shabaab kaga socday Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud, (Galmudug & Hirshabeelle).

Haddaba waxaa lama huraan ah in dadka reer WISIL/MUDUG ama beesha SACAD oo Madaxweynuhu doonayo inuu dagaalka si ka fiirsi la’aan ah u galiyo (DABKA KU SHUBO), dhwor arrimood is weydiiyaan, Madaxweynahana xisaab-celin weydiistaan.

Tan iyo markii Soomaalidu billowday u hayaanka nidaamka Dowladnimo 70 sano ka hor, beesha Sacad waxa ay horyaal u ahayd dadaal kasta oo Soomaalidu u gashay rumeynta himilooyinka dalka, sida xornimo-doonkii, kalitalis-diidkii iyo Dowlad-dhiskii.

AAN DHOWR ARRIMOOD MADAXWEYNAHA XASUUSIYO;

Xasanow, beesha waxaa ka dhashay AUN halyaay Cabdullaahi Ciise Maxauud oo sabab u ahaa in Koofurta Soomaaliya ka xorowdo gumeystihii Talyaaniga, nasiib-xumo-se, C/llaahi waxaa loogu abaal-guday inuu ROMA ku geeriyoodo isagoo naftiisa baxsad la ah.

Xasanow, beeshu waxa ay hormuud u ahayd halgankii dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga dul-qaaday dhiigya-cabkii Ina Siyaad Barre, nasiib-xumo-se, halkii lagu abaal-marin lahaa loogana abaal-gudi lahaa, waxaa lagu suntay in ay yihiin mooryaan Dowladdii dumisay.

Xasanow, Sacad waa beeshii xafidday (Ilaalisay) Madaxtooyada dalka kadib cararkii Ina Siyaad, waa beeshii sida mugga iyo miisaanka leh uga shaqeysay una soo dhaweysay dib-u-kabkii Qaran yabyabka, nasiib-darro-se, waxaa laga fogeeyay darkii taliska Dowladda.

Xasanow, Sacad waa beeshii aasaastay maamulka Galmudug waxaana ka soo jeeda yabyabihii maamulkaas, Prof Maxamed Warsame Cali (Kiimiko), nasiib-xumo-se maanta waa beesha maamulka kala kulantay dulmiga ugu badan xaqeedina la duudsiyay.

Xasanow, Sanadkii hore beeshu waxa ay Al-Shabaab la gashay dagaal aysan garab buuran ka helin Dowladda iyo beelaha kale ee la deggan, nasiib-xumo-se dagaalkaas oo wiilal badan galaaftay, guulihii laga soo hooyay waxaa dayacay Qoorqoor iyo Biixi.

Xasanow, markii ay dalka ku habsadeen Kooxdii kursi u qooqu madax maray oo Farmaajo hoggaaminayay, isla-markaana dalku qarka u fuulay inuu ka leexdo jidka dimuqraadiyadda iyo qori isku dhiibka, waxaa badbaadiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xasanow, in aad mar labaad Soomaaliya Madaxweyne ka noqotid waxaa sababteeda lahaa Ra’iisul Wasaarahaas oo beesha ka dhashay, nasiib-xumo-se, waxaa muuqata in aadan abaalkaas gudin, marka la eego tallaabooyinka aad ilaa hadda qaadday.

Ma rabo in aad u-jeedka qoraalkeyga u fahantid in aan ahay mucaarad diiddan maamulka Xasan Sheekh, yoolku waa in dadka uu Madaxweynuhu doonayo inuu dabka ku shubo u sheego in ay xisaabtamaan Madaxweynuhuna xisaab-celin buuxda oggollaado.

Inta badan degaannada beeshu degto waa xor, haddii awoodda ciidan ee beesha loo adeegsanayo dagaalka ka dhacaya dhul ka baxsan degaannadeeda, waa in ay caddahay sababta dagaalka loo galayo, waa in la helo u-jeeddooyin cad-cad oo lagu kalsoonaan karo.

Marka laga yimaado, Wasiirka Arrimaha Gudaha, beesha Sacad waa ku qadsan yihiin maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, waa in Madaxweynaha la weydiiyo sababta aan xil laga qaado maahane beesha xil loo siin? Maxaa keenay in darka taliska laga fogeeyo?

Xasan haddii uu siyaasiyiinta maanta tagay Wisil u diray in ay Sacad dagaal aan qorshihiisu caddeyn galiyaan, laf cidlo ah ayuu toobin ku hayaa, ka fiirsi iyo ka fakar ayuu u baahan yahay ka qeyb galka dagaal aadan aqoon danta kuugu jirta sida kuwii hore loo galay.

GUNAANUD

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.

Haddii saraakiishii ugu muhiimsanaa ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa beel ahaan u dhow Madaxweynaha, aysan diyaar u ahayn dagaalka iyagoo dano gaar ah eeganaya waa nasiib-xumo, wuxuu dadaalka Madaxweynuhu u muuqaada hal bacaad lagu lisayo.

Madaxweynuhu waa inuu la yimaado ku dhac iyo diiranaan, waa inuu khatar kasta u qaato sidii uu u hir-galin lahaa hadafka ah in Al-Shabaab dalka laga saaro, taasoo ku imaan karta hoggaanka ciidanka oo la hagaajiyo iyo beelaha dhan oo dagaalka laga qeyb galiyo.

W/Q: GUULEED FAARAX-

FG; Aragtida uu gudbinayo qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ku xusan, kamana tarjumeyso siyaasadda Warbaahinta Keydmedia Online, - KON waa madal u dhaxaysa dadka una furan in aragtiyada caamka ah lagu gorfeeyo si yoolka iyo xalka loo gaaro.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 16 October 2022 21:09

Inkastoo aan dowlad ahaan iyo saaxiibadeenna caalamiga ah, in muddo ahba ku howlaneyn la dagaalanka Al-Shabaab, haddana falcelinta iyo dhiranaanta ay maanta muujiyeen dadkeenna ayaa dib u soo nooleeyay inaan aamino si wadajir ah inaan uga adkaan karno kooxdan sharwadayaasha ah.