Abiy Axmed iyo Farmaajo Farqiga u dhaxeya

Labada mas’uul ee ugu sarreysa dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya waa Ra’iisulwasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Farmaajo. Warbixintan waxaan ku eegi doonnaa farqiga u dhaxeeya labadooda.

Warbixin Keydmedia Online
Abiy Axmed iyo Farmaajo Farqiga u dhaxeya

Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya sidaan ogsoonahay horay waxaa u dhex maray dagaallo culus oo dad badani ku dhinteen, qeyb kamida dhulka ay Itoobiya sheegato waa dhul ay Soomaaliya leedahay, haddana Itoobiya ayey hoos tagaan waana dowlad degaan kamida dowlad degaanada dalka Itoobiya uu ka kooban yahay.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed waxa uu goor dambe xilka qabtay markii Ra’iisulwasaarihii ka horreeyay uu is casilay, qowmiyadda Oromada loo yaqaan ayuu kasoo jeedaa, markii uu la wareegay talada dalkiisa waxa uu lasoo baxay dardar xoog leh, gobolka ayuu ka billaabay dhaq-dhaqaaqyo nabad-gelyo, waxa uu la heshiiyay waddan ay colaad kala dhex tiillay (Eratariya) ugu dambeyna waxaa la siiyay abaalmarin caalami ah (Nobel Peace Prize).

Marka aan la bar-bar dhigno Mas’uulka ugu sarreeya Soomaaliya, Maxamed Farmaajo waxaa laga soo dhex doortay 24 musharrax oo kula tartamayay kursiga madaxtinimada Soomaaliya. Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ayaa codka siiyay, sidaas ayuuna ku noqday madaxweynaha Soomaaliya ee 4 -ta sano (2017-2021).

Abiy Axmed waxa uu weeraray dowlad degaanka Tikreega, duqeyn dad badani ku dhinteen kaddib gacanta ayuu ku dhigay dhulkii ay maamulayeen Tigreega, Farmaajo wuxuu isku dayay in uu weeraro Dowlad goboleedka Jubbaland, wajigii hore ee dagaalka wuxuu ku guuleystay in uu gacanta ku dhigo Gobolka Gedo, isagoo ku fashilmay soo qabashadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo diyaarad sidday ciidan Itoobiyaan ah ayaa isku dayday in ay ka dagaan magaalada Kismaayo, hayeeshee waa loo diiday in ay dagato diyaaradda.

Abiy iyo Uhuro Kenyatta waxay si wada jir ah xarigga uga jareen waddo laami ah oo isku xiri doonta labada dal ee Itoobiya iyo Kenya, Madaxweyne Farmaajo wuxuu cilaaqaadkii u jaray Kenya isagoo ku eedeeyay in Kenya ay fara-gelin ku hayso Soomaaliya, wuxuu ka eryay Muqdisho Safiirkii Kenya ee Soomaaliya, wuxuuna u yeeray Safiirkii Soomaaliya ee Kenya, maantana wasaaradda qorsheynta ayaa hadal kulul umarisay warbaahinta dowladda Kenya.

Wasiirka Qorsheynta DF Jamaal Maxamed Xasan ayaa amar ku bixiyay in aan lagu qaban karin Nairobi Shirarka iyo Seminar -rada loo qabto Soomaalida, sidoo kale wuxuu ka codsaday Hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya ee xarumaha ku leh Nairobi in ay kasoo guuraan una soo guuraan magaalada Muqdisho, taasoo sii hurineysa xiriirkii xumaaday ee labada dal.

Inkastoo Abiy Axmed uu u muuqdo in uu Madaxweyne Farmaajo kala talinayo siyaasadda dalka haddana waxay u egtahay in dhinaca burburinta xiriirada Soomaaliya iyo dhinaca dhismaha Itoobiya ay isla bar-bar socdaan, fikirka iyo taladana ay ka imaanayaan hal qof (waa Abiy Axmade).

RW Abiy Axmed waxa uu ku guuleystay inuu kororsado muddo xileedkiisa, waxa uuna baarlamanka hor geeyay qorshaha in la qabto doorasho iyo halista ku jirta, waxa uu ugu marmarsiyooday caabuqa COVID-19, golihii baarlamanka Itoobiyana way aqbaleen, muddo sanad ah ayaa dib loo dhigay doorashadii Itoobiya.

Farmaajo waxa uu farriin usoo dhiibay guddoomiyihii guddiga doorashooyinka madaxa bannaan Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yarey oo baarlamanka hortiisa ka codsatay in muddo sanad ah loogu daro madaxda hadda joogta si loo diyaariyo doorasho, taa waxay sababtay mucaaradaad xoog badan oo keentay in RW dalka xilka laga qaado, kaddib markii uu ka hor yimid qorshihii muddo kororsiga Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.