Albaabka siyaasadda oo ka xirmay Farmaajo

Warbixin Keydmedia Online

Afar sano oo sharci ku tumasho, sharaf dilid, musuqmaasuq, ku tagrifal awoodeed iyo dibin-daabyo siyaasadeed ah, ugu dabanbayn Madaxweynihii ugu habdhaqanka liitay ee taariikhda soo mara Soomaalaya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wuxuu ku soo dhamaaday labo darbi dhexdood, waxuuna daawade ka yahay sida ay dalka iyo doorashooyinka soo socda u maamulayaan hoggaamiyayaashii uu codowga ku sifeeyay si uu saldanada ugu sii fadhiyo.

Albaabka siyaasadda oo ka xirmay Farmaajo

Farmaajo wuxuu shalay goob joog ka ahaa xaflad lagu soo xirayay heshiiskii doorashooyinka ee uu gar wadeynka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuse la mid ahaa Madaxweynayashii isaga ka horreyay oo iyaguna goobta joogay maadama uusan wax aragti ah ku lahayn heshiiska.

Waa Madaxweynihii ugu horreeyay sooyaalka Soomaalida ee takoor siyaasadeed la galiyo isagoo ku jira Madaxtooyada, waa hoggaamiyihii koobad ee afar sano awoodi waayay inuu meel u dhaqaajiyo siyaasadda dalka oo gaartay halkii ugu xumeyd, isla-maraakna fido mooyee aan faa’iido soo hoyn.

“Biro Barde duuduubka laguu laqaa” ayay Soomaalidu tiraahdaa, Farmaajo, si qasab ah ayaa loogu qaloonbiyay heshiiska doorashoyinka ee shalay la saxiixay, maadaamada aysan qorshiyiisa ahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla oggalyahay oo si nabad ah u qabsoontaa, waase ku qasabanaaday inuu aqbalo iyadoo Dacar ka qaraar, maadaama awood uu ku diido uusan lahayn oo albaab kasta ka soo xirmay.

Afar sano wuxuu ku jiray olole doorasho wuxuuna Saddex ka mid shanta Maamul goboleed geystay Madaxweynayaal daacad u ah, si ay u dhisaan doorasada soo socota, hayeeshee, guud ahaan hoggaamiyaasha Maamullada ayaa fahansan in uusan Farmaajo soo laaan karin, waxayna billaabeen in mid kasta xulufo siyaasadeed la sameysto siyaasiyiin kale.

Shanta Madaxweyne, ee hoggaamiya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka, maamuus gooni ah uma muujin, maqaam Madaxweynana kuma magacaabin, xafladii lagu soo xirayay hishiiskii doorashada ee la qabtay khamiistii, wuxuu u muuqday qof takooran oo xitaa ka maasmus liita Madaxdii ka horreysay.

Xaqiiqdii Farmaajo, halkii ku habbooneyd ayaa lala helay, waxaana soo baxay Ra’iisul Wasaare dhayay dhibkii uu geystay, haddii dadii qaar ka mid ah Madaxda Maamulladu ka laaban jireen garoonka diyaaradaha xilligii uu Farmaajo ku faaganayay siyaasadda hadda guud ahaan hoggaamiyayaashu waxa ay u tamashla tagayaan  goobaha dalxiiska ee ku yaalla Caasimadda Soomaalaya.

Afar sano oo kala haad siyaasadeed, ka aamin bax iyo kala shaki amni uu dalku ku jiray, waxaa maanta abuurmay rajo dib loogu dhisi karo kalsoonidii luntay, waxaana middaas marada cad u babinaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaastiinta Maxamed Xuseen Rooble oo mucarada iyo muuxaafidba ku amaaneen.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.