Baaritaan KON: Magacyadda Xubnaha aan laga saarin gudiyadda doorashadda

Warbixin Keydmedia Online

Keydmedia Online ayaa waxay baaritaan ku sameysay sida uu Xafiiska RW Rooble u maareeyay turxaan-bixinta Gudiyadda doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Gobolka. Inkastoo laga saaray dhalinyarro badan oo kamid ah taageerayaasha Farmaajo, hadana liiska waxaa ka muuqda 33 Magac oo hore ugu jiray.

Baaritaan KON: Magacyadda Xubnaha aan laga saarin gudiyadda doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Baaritaan ay Keydmedia Online sameysay ayee waxa ay ku ogaatay xubnaha mucaaradka gudbiyay ee aan wali laga saarin gudiyadda doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Gobolka.

Inta uu socday baaritaankan, waxay KON heshay magacyada xubnaha kamidka ahaa liiskii dheeraa ee Musharixiinta Mucaaradka u gudbiyeen RW Rooble, ee ay ku dalbadeen inuu ka saaro Gudiyadda doorashooyinka.

Gudi heer wasiiro ah, oo Rooble u xilsaaray turxaan-bixinta ayaa ku guul-dareystay inuu ka saaro gudiyadda dhamaan 67-da xubin ee dooda ka taagan, kuwaasoo ay Mucaaradka ku eedeeyeen inay yihiin NISA, shaqaale dowladeed iyo taageeriyaasha Farmaajo.

Dadka laga saaray waxaa kamid ah C/nuur Maxamed Axmed, agaasimaha Madaxtooyadda Villa Somalia,  Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Maxamed Caddow, Maxamed Xasan Cirro, oo gudoomiye u ahaa FEIT iyo Faadumo Cali, oo hadda laga dhigay ku-xigeenka xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhalinyarada sida muuqata waa shaqaale dowladeed oo xafiisyada madaxda sare ka shaqeeya, oo qaarkood xilal muhiim ah ka haya, waxaana liiska la saarey iyo kuwa ku jira kamid ah NISA iyo taageeriyaasha Farmaajo, kuwaasoo sababta gudiyadda loogu soo daray ay tahay inay codka ugu shubaan Farmaajo, balse qorshahaas fashilmay.

Kuwa aan wali laga saarin qaarkood magacyada ayaa loo bedelay, si aan loo soo celin, waxayna Keydmedia Online ogaatay in Musharixiinta lagu qanciyay in xubno kusoo darsadaan gudiyadda doorashooyinka, sidaasna lagu aamusiyay, iyadoo aan jirin Musharax kasoo horjeestay liiska cusub marka laga reebao Cabdishakur C Warsame.

Ma jirto hadda cid diidan hanaanka loo maray turxaan-bixinta gudiyadda, iyadoo xubnaha ku haray ee horey loo soo eedeeyay loo fasaxay inay shaqadooda wataan.

Xubnaha ugu badan waxay kasoo galeen Galmudug, Koonfur Galbeed, Somaliland iyo Beelaha Banaadiriga.

Xubnaha mucaaradka gudbiyay ee aan laga saarin gudiyadda iyo kuwa ku haray:

  1. C/wali Maxa’uud Cilmi [Lagama saarin]
  2. Maxamed Xasan Maxa’ed [Lagama saarin]
  3. Mahad Dheere Xaashi
  4. Mowliid Mataan Salaad [Lagama saarin]
  5. C/raxiin C/casiis Aadam [Lagama saarin]
  6. Madiina Aadan Malabow
  7. Cabdinuur Maxamed Axmed
  8. Faadumo C/risaaq Sheekh Ciise [Lagama saarin]
  9. Axmed Maxa’ed Ducaale/dagaal [Lagama saarin]
  10. Ceydaruus Saalax Yuusuf
  11. Cabdijibaar C/llaahi Faarax [Lagama saarin]
  12. C/wali Cali Cabdulle Timacadde
  13. C/casiis Sheekh Xuseen Dayib
  14. Cabdinaasir Maxa’ed Guuleed [Lagama saarin]
  15. Maxa’ed Maxa’uud Cadow
  16. C/risaaq Cali Kaahin
  17. Farxiya Xasan Cismaan
  18. Liibaan Cismaan Nuur
  19. Fahma Xasan Maxa’uud
  20. Maxa’ed Daahir Guuleed [Lagama saarin] -GM
  21. C/raxmaan Ismaaciil Shire [Lagama saarin] -GM
  22. C/casiis Nuur Yuusuf
  23. Maxa’ed Axmed Nuur [Lagama saarin] -GM
  24. Maxa’ed C/raxmaan C/llaahi [Lagama saarin] -GM
  25. Maxa’ed Xuseen Maxa’ed
  26. C/wali Nuur Faarax
  27. Yuusuf C/qaadir Maxa’ed [Lagama saarin] -KG
  28. Nuuradiin Ibraahim Aadan Saney [Lagama saarin] -KG
  29. C/llaahi C/mula’ib Ibraahim [Lagama saarin] -KG
  30. Xamdi Max’ed Cumar [Lagama saarin]-KG
  31. C/risaaq Qaasim Maxa’ed
  32. Maxa’ed C/llaahi Isxaaq [Lagama saarin]-KG
  33. Farxiya Maxamed Yuusuf [Lagama saarin]-KG
  34. C/llaahi Xasan Aadan [Lagama saarin] -KG
  35. Ibraahim Xasan Maxa’ed
  36. Aadan Cabdi Isaaq
  37. Axmed Xasan Diini [Lagama saarin]-HSH
  38. Xaliimo Maxamed Cismaan [Lagama saarin]-HSH
  39. Anas C/casiis Maxa’ed
  40. Yuusuf Cali Mahad [Lagama saarin]-HSH
  41. Xamdi Isaaq Xasan [Lagama saarin]-HSH
  42. Yoonis Xasan Xuseen
  43. C/ra’uuf Maxa’ed C/wali [Lagama saarin] -HSH
  44. Maxa’ed Warsame Sandhool
  45. Sacdiyo Cali Boolaay [Lagama saarin] -BNR
  46. C/llaahi Xasan Maxa’ed [Lagama saarin]-BNR
  47. Ibraahim Maxa’ed Cumar [Lagama saarin]-BNR
  48. Aweys Maxa’ed Xaaji [Obey]
  49. Faadumo Shariif Xuseen
  50. Nuur Maxa’ed Xasan
  51. Maxa’ed Xaaji Maye [Lagama saarin]-BNR
  52. Maxa’ed Cali Axmed
  53. Khayrta Aweys Shariif
  54. Ilyaas Maxamed Xuseen
  55. Maxa’ed Caseyr Cabdulle [Lagama saarin]-PL
  56. Ibraahim Saciid Saalax
  57. Khadar Xariir Xuseen [Lagama saarin] -SL
  58. Sundus Ibraahim Cali [Lagama saarin[ SL
  59. Axmed Daahir Xasan
  60. Maxa’ed C/llaahi Jirde [Lagama saarin[-SL
  61. Zamzam Maxa’ed Faarax
  62. Najiib Xuseen Samaale [Lagama saarin]-SL
  63. Khadar Cabdulle Aadan
  64. Saynab Ismaaciil Xasan
  65. Ifraax Cumar Ducaalle
  66. Umeyma C/llaahi Ciise Good

Doorashadda sanadkan aad bay uga duwan tahay kuwii hore, waxaa hanaanka xumeeyay Farmaajo oo u dhigay sida dantiisa ku jirta, oo kusoo bixi karo maadaama uu yahay Musharax raba mar labaad inuu dalka ku hogaamiyo wado qarda-jeex ah, oo ku dhamaanaysa kaligii-talisnimo iyo xukun-marooqsi.

KON ayaa diiradda saartey musuq-maasuqa qaab dhismeedka guddiyadda doorashooyinka iyo qorshaha Farmaajo ee boobka iyo ku-shubadda doorashadda soo socota, oo musharaxiinta walaac ka muujiyeen.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa wuxuu dhaawacay kalsoonida shacabka iyo xisbiyadda siyaasadeed, kadib markii uu afduubay hanaanka doorasho ee dalka, waxayna dad badan aamisan yihiin in kaligii-talis cusub yimid.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.