Ballan-qaadyadii MW Farmaajo ee aan midna la Fulin

Warbixin Keydmedia Online

Madaxweynaha talada dalka haye ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa uu sameeyay ballan-qaadyo fara-badan ee uusan midna fulin, warbixintaan waxaan ka hadleenaa labo balanqaad uu sameeyay Madaxweynaha oo aan hirgalin. 

Ballan-qaadyadii MW Farmaajo ee aan midna la Fulin

Madaxweyne Maxamed Farmaajo isagoo aan ku cusbeyn siyaasadda Soomaaliya ayuu sanadkii 2016 Ololo doorasho kasoo billaabay dalka aanu dariska nahay ee Kenya, markii uu muqdisho soo sal-dhigtay, kooxdii u Ololeyneysay waxay boorar lagu xardhay Danta Dalka & Dadka sureen waddooyinka magaalada Muqdisho ugu waaweyn.

Taliyaha Nabad Sugiddi iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa ahaa madaxa Ololaha doorashada Farmaajo, koox qarsoon oo uu isagu ugu tun-weynaa ayaa Farmaajo waxay kala talinayeen inuu hadal macaan oo sasabasho ah kahor jeediyo Golaha Shacabka BJFS iyo Golaha Aqalka Sare oo si wada jir ah u dooranayay Madaxweynaha.

Farmaajo ayaa dhowr warqadood oo uu watay ka hor akhriyay Xildhibaanada, ballan-qaadyo tiro badan ayaana ku qornaa waraaqdaha, kuwaasi waxaa kamid ahaa:

  1. Mag-dhaw siinta dadka ku waxyeeloobay qaraxyada & Abaalmarintan qofkii qarax soo sheegay.
  2. Waddooyinka Xirxiran in dib loo furo.

Afar Sanno kadib, haddaba ballnqaadyadaasi muxuu ka qabtay?

Inkastoo uu yahay Madaxweynaha iyo mas'uulka ugu sarreeya dalka haddana Mag-dhaw siinta dadka ku waxyeelloobay Qaraxyada ayuu dusha saartay, wuxuu ballan-qaaday in uu mag-dhaw siin doono shacabka tabaaleysan ee ku waxyeellooba Qaraxyada kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena uu abaal marin siin doono qofkii qarax soo sheega, waxay ahayd Rag-ka-rooni uu madaxweynuhu ku dhiirraday, hayeeshee ololo doorasho in ay ahayd ayaa la ogaaday!

Labadaba (Mag-dhaw siinta & Abaalmarinta) meel kama uusan soo qaadin, waana sababta ay usii kordheen qaraxyada kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab taasoo lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed laba goobood ee taariikhiga ah (Isgoyska Soobe iyo Koontaroolka Afgooye).

Dhammaan dadkii ku dhawaa kunka qof ee qaraxii Soobe ku naf waayay ehaladooda mid kamid ah madaxweynuhu ma uusan siinin $10 iskaba daa mag-dhaw inuu siiyee. Ma jiro qof dhaawac ah ee uu booqday, Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee lacagaha ku shaqeeyana qeyb xitaa kama uusan bixin! Haddana sidaas oo ay tahay wuxuu dhageystaa khudbaddii uu ka hor jeediyay Golahii Shacabka BJFS ee uu beenta ku beer-laxaw-sanayay!

Qaraxii dhacay 14 -ka Oktoobar waxaa dadkii masaakiinta ahaa usoo gurmaday Ganacsato Soomaaliyeed, dad Samafale -yaal ah oo dibadaha lacago ka soo diray, waddamo uu kamid yahay Turkiga, shaqsiyaad is xilqaamay ee Soomaali ah kuwaasoo ku sugan dalka gudihiisa iyo qeybo kamida bulshada Soomaaliyeed oo qaaraan iska soo uruuriyay. Madaxda dowladda uu ugu horreeyo Farmaajo Qaaraan cayiman oo ay ku dhawaaqeen ma jiro, haddana madaxweynuhu waa kii ballan-qaaday in uu Shacabkiisa dhibaatada la qeybsan doono!

Koontaroolka Afgooye, gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa bartamaha Isgoyska wuxuu ku baabi’iyay dad 100 qof ku dhaw, isna sidoo kale qof ay dowladdu gargaar u fidisay ma jirto, santuuqa dowladdana lacagaha gala waxaa lagu bixiyaa amarka saddexda xafiis ee ugu sarreeya, kan Madaxtooyada, kan Ra’iisulwasaaraha iyo kan Golaha Shacabka, maalina Sadaqo iyo mag-dhaw lagama siin dadka shacabka ah, waxaa la shaaciyay lacag ku dhaw 1 milyan oo caddeyn la’aan laga bixiyay sanduuqa dowladda taasoo aan la sheegin ilaa iyo hadda sababta loo isticmaalay, lacagtaasi waxaa laga isticmaalay laba xafiis kan RW iyo kan Golaha Shacabka.

Xafiiska Villa Somalia sheegis ma leh wixii lagu bixiyay amarkiisa, taasina way iska caddahay in aan shacab iyo cidna lala rabin in ay wax ogaadaan. Xafiiska Hanti-dhowr kana waxaa looga taliyaa Filada uu Farmaajo dhex fadhiyo!

Ballan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa “Qofkii qarax soo sheega in lagu abaal marin doono lacag gaareysa $100,000 (Boqol kun oo doolar), haddii uu doonayana in la siiyo dal-ku galka mid kamida waddamada Yurub si naftiisa uu ugu helo meel ammaan ah!” hadalkaas ee uu madaxweynuhu yiri isagoo miir qaba meelna kama uusan soo qaadin! Haddana sidaas oo ay tahay mar kale ayuu doonayaa in la doorto, oo afar sano oo kale uu xilka sii yahoo!

Waddada uu ku hoggaaminayo dalka madaxweyne Farmaajo waxay u egtahay tii uu mariyay Maxamed Siyaad Barre, isagoo xilka si nabada ku wareejin kara ayuu doortay in dalku uu bur buro, (Cadkaanow ku cunay ama ku ciideeyay ninkii laga bartay ayuu Role model ka dhigtay Farmaajo).

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.