Xaraashka Shidaalka dalka

Qoor-Qoor & Farmaajo oo ku heshiiyay boobka hantida Qaranka

Warbixin Keydmedia Online

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo isku haysta inuu tala-wadaag la yahay Madaxweynaha lagu nacay keli-talisnimada ee Farmaajo ayaa waxay si wada jir ah u wadaan qorshe lagu boobayo hantida Qaranka Soomaaliyeed.

Qoor-Qoor & Farmaajo oo ku heshiiyay boobka hantida Qaranka

Isniintii waxaa Muqdisho soo gaaray shirkado yar yar oo loo qorsheeyay in loo saxiixo Xirmooyin dhulka laga helay Shidaalka ee ku yaal Hobyo iyo Baraawe oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoor-Qoor & Madaxweyne Farmaajo waxay ku heshiiyeen in ay si wada jir ah u xaraashaan hantidii umadda Galmudug, iyagoo siisanaya shilimaad yar oo ay ku galaan Olole doorasho (Election Camping), waana hanti umadda Soomaaliyeed oo dhan ay shinsaneyso, qof kaliya inuu ku takri-falana waa ceeb iyo mas'uuliyad darro, Caawaaqib xumida umadda Soomaaliyeed ay ka dhaxli doonaana waa mid meel ugu qornaan doonto.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhagax dhigay sanadkii la doortay ee 2017 dekadda Hobyo, dib dambe uguma laaban maalintaas kaddib, dadka reer Galmudug waxay is lahaayeen madaxweynaha wuxuu idinkugu maqan yahay dhismihii Dekadda, sidii ay u sugayeen markii uu gabaabsi yahay muddo xileedkiisii, ayey ogaadeen inuusan umaqneen Farmaajo ayna isku tashadaan.

Beesha Habar Gidir oo ah beesha ugu badan beelaha daga maamulka Galmudug, isla markaana daggan magaalo xeebeedka Shidaalka laga helay ee Hobyo ayaa ku shiray magaalaa Hobyo waxayna sameysteen Guddi ay ku mideysan yihiin beesha Habar Gidir, waxayna soo jeediyeen in ay dhistaan Dekadda Hobyo iyagoo jeebkooda ku tashanaya, ballan-qaad iyo dhagax-dhig dambe oo been ahna aysan cidna ka sugin.

Guddiga Habar Gidir ayaa indhaha ka eegaya waxa ka socda Villa Somalia ee ah in la saxiixo heshiis shirkado ajaanib ah oo loogu gacan gelinayo Xirmooyin kamida shidaalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Hobyo. Dad badani waxay is weydiinayanaa aamusnaanta guddigan Maxaa sababi kara? waxaana lagu cabbiray laba arrimood middood in ay jirto:

  1. Waxaa loo maleenayaa in ay jirto garasho la’aan, iyo in aysan u haysan in ay xaq u leeyihiin in ay ka doodi karaan kheyraadka dhulkooda oo si sharci darro ah loo xaraashayo! iyo
  2. In la laaluushay oo lacag lagu aamusiyay, waana dhaqan ay caan ku noqdeen kooxda Farmaajo markii ay doonayaan in ay qorshe si hoose u xadaan, waxay lacago ku laaluushaan shakhsiyaadka ay isleeyihiin haddii ay idinka hor yimaadaan culeys ayey idinku keeni kartaa!.

Si kastaba ha noqotee, magaalo xeebeedka Hobyo wey ka weyn tahay magaalo ay dhexda dhigtaan laba nin oo xukunka qabtay muddo gaaban kaddibna banneyn doona xilalkaas. Dadka ku nool ama u dhashay deegaanada laga helay shidaalka ee la doonayo in laga xaraasho shirkado Ajnabi ah waxaa la gudboon in ay ka fal celiyaan arrintan saameynta xooggan ku yeelan doonta mustaqbalkooda, isla markaana gaari doonta meel aan wax ba laga qaban karin.

Qoor-Qoor iyo Farmaajo labadoodaba waxay seegayaan talo ay tahay maanta in ay qaataan, waana in aysan saxiixin heshiis ku xiran mustaqbalka malaayiin Soomaali ah iyagoo eeganaya Shilimaadka yar ee maanta cawiray caqligooda iyo garashadii la islahaa wey ka roon yihiin in ay xadaan hanti umadda Soomaaliyeed ka dhaxaysa.

Qoor-Qoor iyo Famaajo midkoodna ma geyn magaalo xeebeedka qadiimiga ah ee Hobyo hal mashruuc intuu doono hala ekaadee, waana magaalada ugu yar ee ay gaarto mashaariicda ay hay’aduhu bixiyaan, waxaa horay loogu daray deegaanada loogu yeero “Dhulka Burcad-badeedda” welina ma helin mashaariic badan oo dadka deegaanku ay ka faa'iideystaan, intii ay ka shaqeyn lahaayeen horumarinta iyo u gargaaridda dadka tabaaleysan ee ku nool Hobyo iyo hareeraheeda ayey maanta billaabeen wixii yaraa ee ay shinsanayeen in laga hoos dusiyo, loona gacan galiyo shirkado shisheeye. Baahida maanta dadkaasi ay ku nool yihiin waxaa uga sii daran xaalufinta kheyraadka dabiiciga ah ee loo gacan galinayo shisheeye!

KEYDMEDIA waxay soo ogaatay uu dib u dhacay heshiiskii la damacsanaa in lagu kala saxiixdo Villa Somalia 4/January/2020 waxaana loo dib dhigay in la ogaaday heshiiska oo markii hore la islahaa cidna ma ogaan doonto! Waxaan ku dadaaleynaa haddii aan nahay bahda KON in aan xogta rasmiga ah ee ku saabsan Xaraashaka Xirmooyinka Shidaalka ee Hobyo iyo Baraawe aan idinla socodsiin doonno.

Farmaajo oo muddo xileedkiisu ka harsan tahay Hal bill ayaa waxa uu saxiixayaa heshiisyo waa weyn oo qandaraas gacan loogu galinayo shirkado shisheeye, waxay marqaati ka tahay inuu yahay shakhsi caadeystay dhaca umadda Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.