Boobka Hantida, Xilalka dowladda & isku-milanka NISA iyo Al-Shabaab

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Muqdisho ku qabtay Shir jaraa'id oo uga hadlay hubanti la’aanta xaaladda siyasadda ee dalka, Shirkii Dhuusmareeb, amniga, weerarkii Xabsiga Dhexe iyo  waxa hortaagan magacaabista Ra'iisul Wasaaraha. 

Warbixin Keydmedia Online
Boobka Hantida, Xilalka dowladda & isku-milanka NISA iyo Al-Shabaab

Arrimaha Siyaasadda

CC Shakuur wuxuu sheegay in dalka uusan hadda lahayn wax xukuumad ah, kadib markii si sharci darro ah lagu riday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre 25-kii July, taasoo hubanti la’aan gelisay Soomaaliya.

Farmaajo ayuu sheegay in sharci darro ah u magacaabey Xukuumad xil-gaarsiin, oo si sharci darro ah dalka uga talinayso, taasoo uu ku eedeeyay inay wado shaqooyin dastuurka baal-marsan iyo hanti-boob.

Qodobka 103 ee dastuurka ayaa dhigaya in hadii Ra’iisul Wasaaraha is-casilo ama xilka laga qaado uu isaga talada sii hayo, illaa mid kale laga soo magacaabayo, balse qodobkaas Farmaajo kuma dhaqmin.

“Markii afgembiga lagu sameeyay, Madaxweynaha isla maalintii ayuu soo magacaabey ku-sime ahaan ninka hadda xilka haya [Mahdi Maxamed Guuleed Khadar], taasoo ah sharci-darro dastuurka khilaafsan,” ayuu yiri CC Shakuur.

Siyaasiga ayaa ku tilmaamay waxay ku dhaqmayso xukuumadda xil-gaarsiinta “Jaanan-boob” oo waxaa la kala boobayaa hantdii dowladda, xilalkii iyo garaadihii Ciidanka, iyadoo Farmaajo uu dalacsiiyay 200 oo sarkaal, waxaana la qoray diblomaasiyiin badan oo qaraabo iyo ehel ahaan lagu qoray.

Madaxweynaha ayuu sheegay inuu go’aansaday inuusan Ra’iisul Wasaare magacaabin, si jaani-boobka usii socdo, oo loo kala qaato dhaqaalihii yaraa ee dowladda iyo xilalkii Ciidanka iyo Diblomaasiyada.

Shirka Dhuusamareeb

Waxaa loo balansan yahay 15-ka bishan Shirka Dhuusamareeb 3, kaasoo la filayo inay Madaxda dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ku gaaraan go’aan mideysan oo doorashadda ku saabsan.

CC Shakuur ayaa sheegay in Farmaajo uu doonayo shirka inuu fashiliyay, isagoo sameystay qorshe ah inuusan magacaabin Ra’iisul Wasaare, si loo ogaan ajandaha Xukuumadda cusub ka leedahay Shirkaasi.

Madaxweynaha ayaa doonaya inuu Shirka Dhuusamareeb tago iyadoo aan dalka lahayn Xukuumad rasmi ah, islamarkaana uu natiijada sheegto inuu Baarlamaanka ku celinayo, kadib markii uu kusoo laabto Muqdisho magacaabo Ra’iisul Wasaare lala horgeyn doono Baarlamaanka Mudo-korarsiga labada sano, iyadoo Villa Soomaaliya diyaarisay Xildhibaano ansixin doona.

Gudoonka Baarlamaanka iyo inta badan Xildhibaanada waxay raadinayaan mudo-korarsi labo sano ah, taasoo uu sahlaysa Farmaajo inuu kursiga kusii fadhiyo waqtiga ka badan mudo-xileedkiisa afarta sano ee dastuuriga ah.

CC Shakuur ayaa su’aal ka keenay cida fulinaysa wixii lagu wadahadlo Shirka Dhuusamareeb, ma xukuumadda sharci darrada ku dhisan, oo tuugeysi iyo hanti-boob ku mashquulsan xiligan kala-guurka.

“Ma dhici karto in Xukuumad la’aan xiliga-kala guurka sidii looga bixi lahaa laga wada hadlo, waayo su’aashu waxay tahay yaa fulinayo waxa lagu wada hadlay, ma xukuumad sharci darro ah oo tuugeysi iyo dastuur aan ku dhisnayn ayay shacabka Soomaaliyeed ku aaminayaan, waa maya,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweynaha ayuu ugu baaqay inuu magacaabo Ra’iisul Wasaare, aan ahayn mid ka shaqeeya Xafiiskiisa, balse uu noqdo Ra’iisul Wasaare matelaad ku taagan, oo dadka u dhaxeeya, mas’uuliyadiisana guta, islamarkaana dalka ka saaro marxaladdan uu ku jiro hadda.

Ku-milanka Al-Shabaab ee NISA

Tan iyo markii Fahad Yaasiin uu Farmaajo u magacaabey Taliyaha NISA Aug. 2018, waxay ha’adda Nabad Sugida noqotay meel si aad ah usoo galayaan xubno katirsan Al-Shabaab, kuwaasoo qaarkood xilal sare loo dhiibay.

Siyaasiga CC Shakuur ayaa ugu baaqey Ra’iisul Wasaaraha imaan doona inuu tallaabo ka qaado taliska hay’adda NISA oo uu sheegay inay noqotay xarun fasahaadsan, oo iyada iyo Al-Shabaab isku milmeen.

Wuxuu kaloo sheegay in Fahad Yaasiin uu mas’uul ka yahay weerarada dalka ka dhacaya, isagoo tusaale usoo qaatey weerarkii maalmo kahor lagu qaadey saldhiga Ciidanka 27aad ee degan xerada 12-ka April ee Muqdisho iyo weerarkii shalay ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe, oo ujeedkiisu ahaa in lagu sii daayo Shabaabka halkaasi ku xiran.

“Fahad Yaasiin, waa lakala garan la’yahay inuu yahay taliska NISA iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri CC Shakuur.

Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Gudoonka Gollaha Shacabka ayuu ku eedeeyay inay yihiin kuwa is-mahdiyay oo is moodey inay dalka awood ku qabsan karaan, iyagoo dhegaha ka fureystay talooyinka shacabka.

Ugu dambeyntii, C/raxmaan Cabdishakuur ayaa ku baaqay in laga hortago dhibaatada hogaanka waqtigiisa dhamaadey ee Villa Soomaaliya fadhiya ka shaqeynaya, islamarkaana meel looga soo wada jeesto sidii dalka looga gudbin lahaa marxladda kala-guurka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

  • user pic

    Barre Shukri Elmi

    • 12 August 2020

    Run ayuu sheegay siyaasiga shakuur.




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.