Caburinta Saxaafadda iyo dhibaatada lagu hayo Wariyeyaasha

Warbixin Keydmedia Online

Soomaaliya waxaa ka jirta Dowlad aan rabin inay difaacdo Saxaafadda madaxa-banaan, balse dhanka kale dooneysa inay xeerar qalafsan u adeegsato caburinta codka xorta ah iyo Wariyeyaasha, waa Warbixinta Tifaftiraha Keydmedia Online ee Muqdisho. 

Caburinta Saxaafadda iyo dhibaatada lagu hayo Wariyeyaasha

Dimuqraadiyadu suurta-gal ma ahan inay ka hirgesho Soomaaliya, iyadoo aan la helin warbaahin madax-bannaan, oo kaalin muhiim ah ka qaadata isku xirka bulshada waqtiga uu dalku wajahayo caqabadaha.

Suxafiyiinta raba inay ka hadlaan arimaha amaanka iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ayaa si joogto ah ula kulmayay cagajugleyn iyo xarig, iyagoo lagu qasbo inay faafreeb ku sameeyaan wararka.

Dhibaatooyinkan ayaa kordhay kadib doorashadii Farmaajo Febuary 2017. KON waxay ogaatay in dowladda hadda jirta ay hanjabaad iyo dhibaateyn saxafiyiinta soo gudbiya faallooyinka dhaliisha ah.

Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha ugu halista badan adduunka ee lagu noqdo suxufi.

Yaa geysanaya dhibaatada?

Dhinacyada ku loolamaya talada dalka, sida dowladda fadhisa Muqdisho, Maamul Goboleedyada iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa geysto dhibaatooyinka ka dhan ah Saxaafadda iyo suxufiyiinta madaxa-banaan.

Dhinac kasta warbaahinta u gaar ah ayuu leeyahay oo u sameeya wararka halka dhinac ah, oo xayeesiin loogu sameeyo madaxa xukunka, kuwaasoo caburin ku sameeyay warbaahinta ka hadasha dhibka ay geystaan, ku xadgudubka sharciga iyo musuq-maasuqa.

Ugu yaraan 10 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay Farmaajo. Shan ka mid ah waxay ku dhinteen weerarada Al-Shabaab, laba waxaa dilay kooxo aan la aqoonsan oo soo weeraray, midna waxaa toogtay booliska federaalka.

Dhibaatada ugu weyn waxay wariyeyaasha kala kulmaan NISA (Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka)…Muqdisho waad uga dhuuman kartaa Al-Shabaab, laakiin la iskama qarin karo NISA.

Tiro-koob dilalka Suxufiyiinta

Tan iyo markii uu dalka galay dagaalka Sokeeye 1991, Soomaaliya sanad walba wariye ayaa lagu dilayay ama lagu xirayay, maadaama aysan dowlada ka jirin, oo kuwaa dilalka geysta aan loo ciqaabin dembiga.

Ugu yaraan 70 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Intooda badani waxay ku dhinteen dilal qorshaysan halka kuwa kale ay ku dhinteen weeraro intii ay ku guda jireen shaqadooda.

Sanadkii ugu dhimashadda badnaa wuxuu ahaa 2012 oo lagu dilay Soomaaliya 18 weriye, oo intooda badan lagu beegsaday Muqdisho oo aan ka jirin kala-dambeyn iyo nabad-gelyo saxaafadda ku shaqeyso.

Sanadkan 2021, labo wariye ayaa Muqdisho iyo Gaalkacyo lagu kala dilay, mana jirto cid loo soo qabtay ama cadaaladda loo soo taagay. Suxufiga Gaalkayo lagu dilay Jamaal waxaa sheegatay Al-Shabaab.

Labo wariye ayaa ku xiran Puntland, waxayna xabsi ugu jiraan shaqadooda, iyagoo ka hadlay banaanbax ka dhan ah Maamulka Deni oo diiday soo tebinta wararka saameynta ku leh nolosha dadka rayidka ah.

Suxufiyiinta ayaa ku shaqeynaya Cadaadis iyo Weeraro lala beegsado, iyadoo dowladda hadda meel-marisay xeer cusub oo lagu ciqaabayo wariyihii sheega war aan raali-gelinaynin Maamulka Farmaajo, oo waqtigiisa sii dhamaanayo.

Waxaa nasiib darro lagu tilmaamay in suxufiyiinta ay si joogto ah la kulmaan hanjabaado iyadoo dalka u diyaar garoobeyso doorashada guud, islamarkaana saxaafad xor ah ay tahay habka keliya ee lagu xaqiijin karo doorasho xor iyo xalaal ah.

Dowladda Soomaaliya waa inay dhowrtaa xoriyadda hadalka iyo warbaahinta, oo dastuurka u ogol yahay inay soo bandhigaan aragtidooda oo ay kamid tahay inay dhaliilaan dowladda, hadii ku fashilanto waajibaadkeeda.

Warbixintaan waxaa markii ugu horeysay lagu soo daabacay bogga Keydmedia Online 08.03.2021. Maanta oo ah maalinta xoriyadda Saxaafadda ayaan dib ugu soo celinay.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.