Canshuurta la siiyo Al-Shabaab oo lagu daadiyo dhiigga Shacabka

Warbixin Keydmedia Online

Mareykanka ayaa sheegay inuu kahor tagayo nidaamka maalgelinta Al-Shabaab, taas oo sida ay qabaan khubaro ka tirsan Qaramada Midoobe ay ururiyeen in ka badan 21 milyan oo doollar oo ay sanadkii hore 2019 ku bixisay dagaalka, hub iyo Sirdoon.

Canshuurta la siiyo Al-Shabaab oo lagu daadiyo dhiigga Shacabka

Kooxda khubarada Gollaha Amaanka ayaa sheegay in hal bar koontarool oo ay Al-Shabaab ku leedahay Jubbada Hoose, iyo lacagaha baada eel aga qaado ganacsiga Kismaayo ay kamid yihiin illaha dhaqaaqalaha ugu wayn Kooxda, sidee Keydmedia Online hore u shaacisay. 

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in Al-Shabaab ay ku soo aruurisay ku dhawaad 13 milyan oo doolar mudo hal sanoo gudihiisa. Kooxdu waxay haysataa dhaqaale adag, oo qaarkood lagu maalgeliso iibsashada guryaha Muqdisho [Real State Business].

Waxay canshuurtaa Al-Shabaab iibinta dhulka, beeraha, xoolaha, dhoofinta iyosoo dejinta alaabaha badeecooyinka kala duwan. Sidoo kale, waxay Kooxda lacag ka qaadda gaandiidka bara degaanadeeda.

Sanadkii 2019, Al-Shabaab ayaa walxaha qarxa kasoo degsatay dekadda Muqdisho, iyadoo Kooxda ay xoogga saarayso miinooyinka oo noqday “hubka koowaad”, oo ku weerarto Ciidamada DFS iyo AMISOM.

Keydmedia Online ayaa saddex bilood kahor soo qortay warbixin ay kusoo bandhigtay baaritaan ay sameysay, oo ku ogaatey in dakhliga Al-Shabaab ee canshuuraha uu ka badan yahay midka dowladda.

Inta badan dakhliga Al Shabaab wuxuu ka yimaadaa dekadaha, gaar ahaan dekadda Muqdisho, halkaasoo ay Kooxda argagaxisadda ku canshuurto konteynarrada maraakiibta sida dowladda oo kale.

Al-Shabaab ayaa taleefoonka kula soo xiriirta inta badan madaxda wadashaqeynta kala dhaxaysa ee katirsan hay’adaha maaliyadeed ee DF, ee qaabilsana canshuuraha iyo Rugta Ganacsiga oo siiya xogta ganacsatada ay canshuurta ka qaadayaan marka badeecooyinka uga soo degayaan Dekadda.

Bangiyada dalka iyo Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ku yaalla ayaa u fududeeya Al-Shabaab qaadista lacagaha baada ah, iyagoo u furay akoono dadka lacagata ugu shubaan, kadibna ugu xawila goobahooda.

Waa feker cusub u dhaqaalo aruurin ah, oo Kooxda la timid dhawaan, uma jirin horey inay Al-Shabaab canshuur ka qaado degaanada iyo degmooyinka aysan maamulin, oo gacanta dowladda Soomaaliya ku jira.

Dad badan ayaa aaminsan in daqliga soo gala Kooxda Al-Shabaab uu sii kordhay intii xilka hayay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Hadii Al-Shabaab ka dhaqaalo badan tahay dowladda, sidee Kooxdan xagjirka ah looga adkaan karaa? Ganacsatada waxay bixinayaan lacagta lagu soo iibiyo bambooyinka lagu qarxiyay shacabka Soomaaliyeed. Ganacsatadu waxay ka qeyb-qaadanayaan dilka iyo xasuuqa dalka ka socda.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.