Doorasho suurtagal ma tahay?

Warbixin Keydmedia Online

Doorashada waa sisilado is daba yaalla. Howlo badan ayaa ka sokeeya. Si howlahaas loo qabto waa in la helaa wadashaqeyn dhab ah iyo tanaasul badan. Hadaba ma jirtaa wadashaqeyntaas, maxaase dib u dhac ku keeni kara doorashada, waa Warbixinta KEYDMEDIA ONLINE. 

Doorasho suurtagal ma tahay?

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa bishii lasoo dhaafay isku raacay qaab-dhismeedka doorashooyinka qaranka oo muddo dheer dib-u-dhac ku yimid, iyagoo rajeynaya in laga hortago qalalaase u riixi kara dalkan jilicsan inuu galo dagaal sokeeye.

Heshiiska oo ay kala saxiixdeen Raiisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo hogaamiyaasha shanta dowlad goboleed wuxuu dhigayaa in doorashada lagu qabto 60 maalmood gudahood, laga soo billaabo 27-ka May, oo ay ka dhiman tahay bil iyo maalmo.

Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in ay ka dhacdo doorasho sanadkii hore, balse dib u dhacay sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed, ee ku qotomay hanaanka iyo khatarta amniga ee Kooxda Al-Shabaab oo sii xoogeysatay.

Waxaa su'aallo badan la iska waydiinayaa inay doorashadda ku dhici doonto waqtiga lagu balamay, iyadoo lagu xisaabtamayo caqabadaha jira iyo waqtiga yar ee Xukuumadda haysato oo aan ku filnayn in lagu xaliyo dhamaan arrimaha khilaafka ka taagan.

Dad badan ayaa aaminsan in Rooble uusan wax ka yar labo bilood ku qaban karin doorasho loo dhan yahay oo u dhacda si waafaqsan heshiiskii May 27, oo dhigaya in labo degaan doorasho lagu qabto Maamul Goboleed kasta iyo Muqdisho.

Arrimaha keeni kara Fashilka Rooble

Xubnaha NISA: Tallaabadii ugu horeysay ayuu Rooble kala kulmay fashil kadib markii uu ku guuldareystay inuu xubnaha NISA ka saaro gudiyadda doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, kuwaasoo in la bedelo ay ka diideen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Musharixiinta Mucaaradka ayaa gudbiyay liis 67 qof ku qoran, oo ay magacyadooda iyo halka ay katirsan yihiin lagu xusay, kuwaasoo 34 kamid ah uu Rooble awoodey inuu kasoo saaro gudiyadda, halka 33-da kale aan lasoo hadal-qaadin.

Fahad Yaasiin ayaa is hortaagay in xubnaha NISA laga soo saaro gudiyadda, waxaana la sheegay in xubihii la celiyay xitaa qaarkood lagu soo bedelay kuwa Nabad Sugida katirsan, iyadoo intooda badan kasoo galeen HirShabeelle iyo Galmudug.

Amniga doorashadda: Sida uu dhigayo heshiiska doorashadda, codbixinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad waxay ka dhacaysaa labo degmo maamul kasta - Jubbaland [Kismaayo iyo Garbahaarey], Koonfur Galbeed [Baydhabo iyo Baraawe], HirShabeelle [Jowhar iyo Beledweyne], Galmudug [Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo], Puntland [Garowe iyo Boosaaso].

Waxaa jira qorsho amni oo qodobada heshiiska ku jira, oo wali hirgelintiisa aan lagu dhaqaaqin, iyadoo Maamul kasta uusan diyaarin Ciidankii loogu tala-galay inay ilaaliyaan amaanka goobaha doorashadda, waxaana wax walba laga sugayaan Dowladda Federaalka, oo waxba u diyaarsanayn.

Odayaasha dhaqanka ee la filayo inay soo xulaaan ergada doorashadda [Xildhibaan kasta waxaa dooranaya 101 qof], kuwaasoo u hanjabtay Al-Shabaab, islamarkaana laga baqayo inay tagi waayaan magaalooyinka doorashadda ka dhacayso, maadaama degaanno kala duwan ay ka imaanayaan, kuwaasoo qaarkooda aan dowladda gacanta ugu jirin.

Qarashka Doorashadda: Caqqabadda ugu wayn waxay tahay in dowladda Soomaaliya aysan gacanta ugu jirin wax lacag ah oo loogu tala-galay doorashadda, waxuuna Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq sheegay in Beesha caalamka ka dalbadeen $15 milyan oo dollar.

Dad badan ayaa la yaabey in dowladda Farmaajo oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku faanaysay inay kordhisay dakhliga, oo miisaaniyadda sanadba sanadka ka dambeeya Beyle uu sheegi jiray korartay haddana aan Bangiga Dhexe ku jirin $15 milyan.

29 December 2020, Gollaha Shacabka ayaa ansixiyay Miisaaniyadda 2021, oo gaareysa $671 million, iyadoo uu jiray korar 46%, oo u dhiganta $195 million marka loo bar-bardhigo miisaaniyaddii 2020, oo ahayd $476 million, taasoo ku korartay $132 million. 2019 waxay ahayd miisaaniyadda $344 million.

Arinta Gedo: Shacabka Gedo ma ogola inuu Axmed Madoobe maamulo doorashadda Xildhibaanada ee ka dhacaysa Garbahaarey, waxaana Madaxda DF iyo Maamullada ku heshiiyeen 27-kii May in la sameeyo dib u heshiisin, oo Xafiiska Rooble dusha kala socda, iyadoo kadib la dhisayo gudi ka shaqeynaya soo magacaabista Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Garbahaarey, oo digreeto Axmed Madoobe kusoo saarayo ugu dambeyn.

11-kii sano ee Jubbaland dhisnayn, maalina maamulka Axmed Madoobe kama shaqeynin Garbahaarey, iyadoo maamulladii uu u diray diidmo kala kulmeen shacabka degaanka, maxaama yeelay Beesha Mareexaan waxay sheegtay inaysan Ogaadeen maamuli karin gobolkeeda Gedo.

Wali lama guda galin howsha xalinta khilaafka xooggan, ee ka taagan Gedo, iyadoo aan wax dhaq-dhaqaaq ah uusan ka socon Muqdisho iyo Kismaayo, wuxuuna Rooble illaa hadda ka gudbi la'yahay turxaan-bixinta gudiyadda doorashooyinka, oo Fahad Yaasiin kahor taagan yahay inuu 33-xubin ee NISA katirsan in laga saaro.

Axmed Madoobe waxay mushkilad ka haysataa Garbahaarey, Lafta Gareen Baraawe, Cali Guudlaawe magaaladda Beledweyne, oo laga diiday maamulkiisa kadib markii Farmaajo oo jebiyay heshiiskii awood-qeybsiga HirShabeelle, oo Madaxweynaha laga leexay Xawaadle.

Al-Shabaab: Kooxda Al-Shabaab horey ayay u layasay Odayaashii soo xulau Xildhibaanadda Baarlamaanka 10-aad 2016-2017, ee hadda waqtigooda dhamaadey, waxayna u digtay odayaal badan inay ka qeyb-qaataan doorashadda soo socota.

Waxaa laga cabsi qabaa xitaa inay Al-Shabaab Xildhibaanno ku yeelato Baarlamaanka cusub, maadaama kuraasta u tartamayaan dhalinyaro badan oo aan la hubin halka ay katirsan yihiin, iyadoo odayaasha wax dooranaya intooda badan ka imaanayaan degaanada Kooxda maamusho.

Doorashadda waqtigeeda maku dhacaysaa? Jawaabta waxay dad badan rumeysan yihiin inay tahay MAYA, marka la eego awoodda Rooble iyo madax-banaani la'aanta go'aan-qaadashadiisa iyo howlaha Xafiiskiisa horyaalla ee tirada badan, oo waqti yar [Bil iyo maalmo] looga fadhiyo inuu ku qabto, iyo oo faragelin xoogga leh ay ku hayaan labada Mas'uul ee dalka ugu awoodda badan [Farmaajo iyo Fahad].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.