Ciid Wanaagsan!

Nairobi (KON) - Warbaahinta Keydmedia Online waxey Aqristayaasheeda ugu Hambalyeneysaa Munaasabada Ciidul Adxa. Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak.

Warbixin Keydmedia Online
Ciid Wanaagsan!

NAIROBI, Kenya - Dhamaan Goboladda Dalka ayaa Saakay si fiican looga ciiday. Waxeyna ayagoo Gacmaha isgalinaaya ku dhawaaqayeen Erayada Raxmadu ku dheehantahay ee Ciid Mubaarak.

Maamulka iyo Shaqaalaha KEYDMEDIA ONLINE waxey u rajeynayaan Guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Muslimiinta Soomaaliyeed oo Mudo Rubuc Qarni kor u dhaaftay dareenkoodu ku noolaa Walaac ka imaanaya Colaada u jeedo badanta ah ee ka Ololeysa Dalkooda Hooyo. 

Waxaana Rajeyneynaa Ciidaan Ciideeda kale iney Carada Dalka Soomaaliyeed isku badasho Nabad iyo Barwaaqo.

Tafaftiraha Guud ee Warbaahinta KON Cali Saciid Xasan ayaa u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed Sanadka kan xiga in ay Nabad, guul barwaaqo iyo horumar ay ku gaaraan.

"Anigoo ku hadlaya Magaca Maamulka Warbaahinta, kan Shaqaalaha iyo kan Taageerayaasha Qiimaha badan ee KON waxaan hanblayo ku aadan Munaasabadda Ciida hawada u marinayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan" sidaa waxaa yiri Tafaftiraha guud ee Keydmedia Online - Cali Saciid Xasan.

Dhamaan Shaqaalaha Keydmedia Online oo ku kala sugan dunida daafaheeda waxa ay Hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaan Shacabka Muslimiinta ah ee ku nool dunida daafaheeda gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay u rajeynayaan in alle uu ka dul qaado dhibaatada, Colaada, Gaajada allaheynah noogu badalo Nabad iyo Barwaaqo.

Ciid Mubaarak, Nabad ku Ciida, Xeebta Muqdisho ku Ciida, Ciid Mubaarak!

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.