Siciid Cabdullaahi Deni

Dabciga Deni waa ka daran yahay midkii Farmaajo

Warbixin Keydmedia Online

Shaqsi si weyn ugu fashilmay hoggaanka Puntland, jahawareer iyo iska daba-jiitan siyaasadeedna uu abuuray intii uu hayay xilka Madaxweynaha maamulkaas.

Dabciga Deni waa ka daran yahay midkii Farmaajo

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya waxey ku tilmaamaan Shaqsi siyaasadda u soo galay ka ganacsiga iyo xooleysiga gaarka ah, Nin si weyn ugu fashilmay hoggaanka Puntland, jahawareer iyo iska daba-jiitan siyaasadeedna uu abuuray intii uu hayay xilka Madaxweynaha maamulkaas.

Shaqsi ciidamadiisu aysan ka amar qaadan. Shaqsi beec geeyay maamulka Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Maamulka Puntland, kana mid ah musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2022, waa 56 jir sannadkii 1966-dii ku dhashay magaalada  Muqdisho  ee caasimadda dalka, halkaaso uu ku barbaaray, kuna wax bartay.

Deni, wuxuu ka mid ka ahaa, ardaydii ugu danbeysay ee ka qalin baddesha Jaamacadda Ummadda, dabayaaqadii Kacaankii Lug-gooyo, wuxuuna marqaatiga 1-aad ka heystaa Kulliyadda Luuqadaha, halka uu Shahaadada labaad ee Master-ka ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuskiisuna waa Maamulka (Master of Management).

Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu siyaasadda si Active ah ugu jiray 10-kii sano ee la soo dhaafay, Sannadkii 2012, ayuu noqday Xildhibaan ka tirsan  Baarlamaanka JFS, ka hor inta uusan labo sano kadib, sanadkii 2014 noqon, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Doorashadii 2017 ee heer Federal, Deni, wuxuu ka mid ahaa, musharrixiintii u tartantay Xilka Madaxweynaha, wuxuuna ku haray wareeggii 1-aad ee baratanka, kadib marki uu la yimid kaliya 18 cod.

Maalin talaaado ah, 8-da Jannaayo 2019, doorasho ka dhacday Garowe, ayaa Deni, loogu doortay Madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana muddo xileedkiisa hoggaanka Bari iyo Nugaal uga dhiman 7 bilood.

Dadka sida qoddoda dheer u yaqaanna Deni, waxa ay sheegaan inuu siyaasadda ka soo galay dhanka ganacsiga, waxayna ku tilmaamaan, inuu ugu horreeyo shaqsiyaadka siyaasadda u soo galay ka ganacsiga iyo xooleysiga gaarka ah.

Siciid Deni, waxaa afartii sano ee la soo dhaafay, qiblo siyaasadeed u ahayd Dubai iyo Nairobi, oo muddadaas aan xiriir wanaagsan la lahayn DF, haka dano dhaqaale awgood, uu shirkadda DP-World, oo Baarlamaanka Soomaaliya dalka ka raacdeeyay ugu ku sii hayay Boosaaso.

Waxaa la xasuustaa duullaankii uu saddex sano ka hor, billowgii November 2019, ku qaaday Xarunta Baarlamaanka Puntland, halkaasoo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladii Guddoomiyihii Baarlamaanka, ka hor inta uusan Xilka ka raacdeyn Cabdixakiim Dhoobo Daareed oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ahaa.

Dadka dhaliila siyaasaddiisa waxa ay ku eedeeyaan inuu yahay, shaqsi dabeecad-xun, oo aan adkeysi lahayn, isla-markaana mar kasta jecel inuu bixyo jawaab cadiifad ku dhisan, waxayna tusaale u soo qaataan, dhacdadii xarunta Baarlamaanka ee dhax martay isaga iyo Xildhibaan su’aal weydiiyay. 

Deni, waxaa lagu eedeeyaa inuu si weyn ugu fashilmay hoggaanka Puntland, jahawareer iyo iska daba-jiitan siyaasadeedna uu abuuray intii uu hayay xilka Madaxweynaha maamulkaas, wuxuu dagaallo laga baaqsan karay ka holciyay Boosaaso oo xarun u ah ganacsiga Puntland, taasoo sababtay geerida shacab aan waxba galabsan iyo barakaca kumanaan qoys oo danyar ah.

Wuxuu kala jabiyay ciidankii Puntland, wuxuu siyaasadda wada-hadalka iyo wada-xaajoodka ku beddelay, siyaasadda kala adkaanshaha iyo is maquuninta, wuxuuna caburrin iyo cadaadis ku hayaa xaafiiska Madaxweyne ku xigeynka, wuxuu burburiyay laantii la xisaabtanka, wuxuu af-ka qabtay saxaafadda, wuxuuna xaafiiskiisa ku xeeray shaqsiyaad xigto la ah oo dadka kale ka xigsanaya maamulka.

Dani, ma dhaqankaas ayuu u soo rarayaa Muqdisho oo ah xarunta Dowladda dhexe?, riyo soo-jeed, oo aan beyd run ka ahayn ayay u muuqtaa.

Inkastoo Siciid Deni, uu afar sano mucaarad ku ahaa nidaamkii Farmaajo, haddana shacabku waxa ay ku doodayaan in dabciga Deni ka daran yahay midkii Farmaajo, loona baahan yahay in laga fogaado fowdo siyaasadeed oo hor leh, kadib shan sano oo xasillooni darro iyo hubanti la’aan xooggan jirtay.

Miisaska lagu gorfeeyo siyaasadda, falanqeeyayaashu, waxa ay ku doodayaan in Siciid Deni, wareegga 2-aad ee doorashada Madaxweynaha dhisi doono, musharrax ka soo jeeda beesha Hawiye, si uu u helo kursiga labaad ee ugu sarreya dalka ee Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdullaahi Yuusuf oo ka yimid xaafiiska ugu sarreeya Puntland, ayaa Madaxweyne ka noqday Soomaaliya 2004, wuxuu Caasimadda ku dilay kumanaan qof, wuxuu barakiiyay in ka badan saddex malyan oo ruux, halka uu dhulka la simay dhismayaashii magaalada, maxaa laga filan karaa Siciid eni?

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.