Taariikhda Kiiska

Maxaa laga filan karaa Dacwada Badda?

Warbixin Keydmedia Online

Maanta oo Isniin ah waxaa si rasmi ah magaalada The Hague ee dalka Nederland uga billaabanaya dhageysiga kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Hadaba inta aynan eegin cidda lagu saadaalinayo in ay ku guuleysato dacwadda, bal aan idiin soo gudbino Dhacdooyin ku saabsan waqtiyadii kala gedisanaa ee uu soo maray Kiiska Badda.

Maxaa laga filan karaa Dacwada Badda?

Tan iyo qaran jabkii Soomaaliya 1991-kii dalka waxuu ahaa mid u nugul cadaw walba oo dibadda ka yimaada iyo mid gudaha ka dhasha. Iyadoo ay jireen falal ka dhan ah biyaha Soomaaliya oo ay kamid tahay in lagu soo shubo xeebaha dalka haraadiga suntan Hubka Niyugleerka iyo mid warshadaha kiimikaalka.

Waxaa usoo dheer xaalufinta kheyraadka badda sida Kalluunka TUNA, oo ay ka geysanayaan Maraakiibta iyo doomo ay leeyihiin dowlado shisheeye, oo u badan kuwa laga leeyahay Asia.

Bilawgii 2009-kii, dowladda Kenya ay sheegatay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, iyadoo ay shaacbaxday arintan kadib Heshiiskii is-afgarad [MoU] ee ay gaareen dowladdii Sheekh Shariif iyo Kenya.

Heshiiska MoU ee 2009

Heshiiskaas oo ahaa mid Is-afgaradoo ay labada dhinac kala saxiixdeen ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta Hindiya ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl.

Heshiiska oo dhaqan galay 7 April 2009. Nuxurka MOU-gu waa 1- in muran badeed saamaynaya (Continental Shelf and Beyond) uu ka dhexjiro labada dal; 2) in ay isla oggolaadaan labada dal in Commission-ka uu eego xogtooda; 3) in ay labada dal ka wada hadli doonaan xuduud badeedka ay ku muransan yihiin marka uu commission-ku go’aanka gaaro

Heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo ku doodaya in baddii Soomaaliya La iibsaday.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday heshiiska MOU ee Soomaaliya iyo Kenya wada-galeen. Waxaa goobjoog ahaa 347 xildhibaan. Waxaa diiday heshiiskii MOUd 334 xildhibaan. Sagaal xildhibaan in gudi loo saaro ayay soo jeediyeen halka afar xildhibaan waxay dalbadeen in dib loo dhigo.

Hadaba, Baarlamaankii KMG Muxuu u diiden Heshiiska?

Xildhibaanadii Baarlamaankii hore ayaa kadib markii ay arkeen guuxa shacabka iyo Qeyla dhaanta Aqoonyahanka waxa ay kulan deg deg ah ay ka yeesheen heshiiska, kadibna isku raacay in gebi ahaanba la xiro kiiskiisa.

October 8, 2011, kulanka oo ay soo xaadireen ilaa 347 mudane, waxaana laga soo saaray ilaa 6 qodob oo kala ahaa:

1: In lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee soo baxay 1988

2: In Hay’adaha dastuuriga ah sida Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xukuumadda aysan awood u laheyn in ay wax ka badalaan ama dib u eegis ama wada xaajood ka galaan xaduudda badda, hawada iyo dhulka.

3: Waxaa la laaley dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee Lala galay hey’ado, dowlado deris ah iyo ururo caalami ah iyo shakhsiyaad ee ku saabsan badda wixii ka dambeeyay January 1, 1991-kii.

4: Xadgudubka kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimmayo xuduudaha Soomaaliya, Barriga, Badda iyo Hawada, waxaa loo aqoonsaday duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday Madaxbannaanida iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed.

5: Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka, waxaa la faray in go’aankaas gaarsiyaan dhammaan dowladaha deriska iyo hey’adaha caalamiga ah.

6: Cid walba oo ku xadgudubta waxaa la sheegay in ay galeyso khiyaano qaran

Maxaa dhacay wixii intaas ka dambeyay?

Dowladda Kenya ayaa waxa ay codsatay kadib markii mudda kadib dowladda Soomaaliya ay shaacisay in ay Kiiska badda ay geeyneyso Maxkamadda in wadahadal iyo Diblomaasiyad lagu dhameeyo Khilaafka.

Waxuuna sheegay in labada dal ay xirriir fiican leeyihiin oo ciidama nabad Ilaalin ah oo Kenyaan ahna ay jooga Soomaaliya .

Soomaaliya Goorma ayay u Gudbisay ICJ Dacwadda Badda ?

Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go’aan ku gaartay in si aan loo boobin badda ay geed dheer iyo mid gaabanba u koraan sidii ay usoo dhici lahaayeen.

Dr. Axmed Cali Daahir  oo Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka ayaa 2014 dacwad ka dhan ah dowladda Kenya u gudbiyay ICJ, kadib markii dowladda Soomaaliya diiday in wadahadal hoose lagu dhameeyo muran badeedka.

Xeer Ilaaliyaha waxuu sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay inay ku guuldareysato sheegashada Badda Soomaaliya.

Danta Soomaaliya

Kenya oo ay cadeysatay damaceeda ku aadan qaadashada Badda, ayaa dhowr jeer Soomaaliya ka codsatay in Kiiska lagu dhameeyo miiska wahadalka oo ka baxsan ICJ. Haddii ay dhici laheyd in Xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray in mid ka mid ah ay ogolaato in Kenya ay kala hadasho dacwadda waxa dhici lahaa labo arrin Midkood :

1: In ay Kenya ka diblomaasiyad adkaato siyaasiyiinta Soomaaliya ku matalaya wadahadalka, lagana dhaadhiciyo in Heshiis Isfaham lala gaaro.

2: In Siyaasiyiinta Soomaaliya ay kaga adkaadaan Dacwadda dhigooda Kenya halkaasna ku fashilmo damaca qaawan ee Xukuumadda Nairobi.

Maxaa dhacaya Maanta, 15 March 2021?

Codsigii afaraad oo dowladda Kenya ay u gudbiso ICJ ayaa laga diiday, iyadoo 15-ka March loo mudeeyay waqtiga la billaabayo dhageysiga dacwada.

Dowladda Soomaaliya ayaana mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo ah ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha , Danjire Abuukar Baalle, oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya QM iyo Yuusuf Garaad Cumar, Suleymaan Maxamed Maxamuud, oo ah xeer ilaaliyaha qaranka , Axmed Cali Daahir xeer ilaaliyihii hore ee dalka iyo Aqoonyahano dhanka sharciyada Badda ayaa ku matalaya dhageysiga Kiiska.

Sidee Loo Dhageeysanayaa Dacwadda?

ICJ ayaa sheegtay iyada oo la tixgelinayo Caabuqa safmarka ee COVID-19 ay dhageysiga dacwadda isugu jiri doonta hab isku dhafan oo fogaan arag iyo xubna Hoolka soo xaadira isugu jiri doona.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhageeysiga oo ah laba qaab uu socon doono 15-ka illaa iyo 24-ka bishan.

Jadwalka ICJ ee Dhageysiga Dacwadda

1- Wareega Koowaad
Isniin, 15-ka Maarso 2021, saacadda 3 pm-6 pm (Soomaaliya)
Talaado, 16ka Maarso 2021, saacadda 3-da galabnimo illaa 4.30 PM (Soomaaliya)
Khamiista, 18-ka Maarso 2021, saacadda 3 illaa 6 pm (Kenya)
Jimco 19 Maarso 2021 3 galabnimo-4.30 galabnimo (Kenya)

2- Wareega Labaad.
Isniinta, 22-a Maarso 2021, saacadda 3 pm-6 pm (Soomaaliya)
Arbaco, 24-ka Maarso 2021, saacadda 3 pm-6 pm (Kenya)

Go’aanka Goorma ayuu soo baxayaa?

Xilliga iyo waqtiga kama dambeysta ah ee ay ICJ soo saareyso go’anka ma cadda balse dacwadaha noocaan oo kale ah ayaa waxay qaatan muddo. Maxkamadda oo horay u qaadday dacwado Baddeed oo tan la ceyn ah ayaa go’aanka ku soo saartay inta u dhaxeeysa Seddax illaa iyo Lix Bil.

Go’aanka ay soo saarto ICJ ayaana noqonaya midkii ugu dambeyay mana lahaan doonno racfaan labada dhinacba, waxaana waajib ah in ay go’aanka kuwada qancaan labada dhinac.

Soomaaliya kalsooni Intee la eg bey qabtaa?

Guud ahaan Shacabka iyo mas’uuliyiinta oo isku duuban waxa ay qabaan kalsooni buuxda oo ku aadan in aan ku guuleysaneyno Dacwadda.

Maadama ay cadahay cidda sax ahaanshaha leh Badda oo ay tahay Soomaaliya iyo diyaar garowga loo galay dacwadda waxa cad in ay Soomaaliya ku guuleysaneyso Kiiska hadii alle idmo. 

Tan kale, Maqnaanshaha Kenya, ayaa Soomaaliya u sahlaya kiiska maadaama Maxakamaddu ay xor u tahay inay sii waddo dacwadda oo ay soo saarto xukunkeeda.

Cabdirixmaan Sabriye 




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.